Garoonka Dayuuradaha ee Magaalada Qabridahare oo ay CWXO xalay garaaceen & gumaysiga Itoobiya oo khalkhal xoogani ku dhacay.
Sep 28, 2010 (QOL) Warar aanu ka helay Magaalada Qabriadhare ee xarunat Gobolka Qoraxay ayaa sheegaya weerar cus oo ay Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya xalayto ku qaadeen Garoonka Dayuuradaha ee Magaalada Qabridahare waxaana ciidankii gumaysiga ee halkaas ku sugnaa la gaadhsiiyay khasaare laxaad leh oo aan faahfhaan rasmi ah laga haynin.
Weerarkas qayb ka ahaa hawlgalka Calnaside ee sida baaxda leh Ogaadenya uga socda ayaa ciidanka gumaysiga Itoobiya dharbaaxo culus ku noqday islamarkaasna halgalka Calanside oo noqday mucjiso ayaa gumaysiga hanjabiyay kuna riday khalkhal & walaac aan horay u soo marin, ilaha aanu warkan ka helay ayaa tilmaamay in uu dagaalkani ahaa mir si heer sare ah loo qorsheeyay oo ay CWXO la beegsadeen Garoonka Dayuuradaha Magalada Qabridahare oo ahaa bartilmaameed ay ciidanka gumaysigu daganaayeen wararku waxay intaas ku darayaan in daryaanka hubka darandooriga u dhacayay ay magaaladu halmar la sara kacday iyadoo saaka ay magaaladu ku waabariisatay sawaxanka & baroorta Tigreega oo is qabsatay, sida ay wararku sheegayaan waxaa hakad galay isu socodka Magalada Qabridahare, guud ahaan gobolka Qoraxay & gobolada kale ee Ogaadeenay.
Sikastaba ha ahaatee waxaa inta badan Gobolada Ogaadeenya ka socda hawlgalka Calanside oo qorshe midaysan ku fulaya dhulka Ogaadeenyana gumaysiga Itoobiya lagaga quusinayo xididadana loogaga siibayo.
Halgalka Calanside & guud ahaan xaalada Ogaadeenya wixii ka soo kordha Qoarhay Online kala soco hadii uu Allah idmo.
Qorahay Online
qorahay99@yahoo.com
JWXO oo xalay weerartay Garoonka Dayuuradaha ee Qabridahar
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 453 Views
-
Last post by hanqadh
-
- 0 Replies
- 220 Views
-
Last post by Hydra
-
- 25 Replies
- 1226 Views
-
Last post by enemy_o_m_m
-
- 4 Replies
- 667 Views
-
Last post by hanqadh
-
- 23 Replies
- 2687 Views
-
Last post by WaaSamane
-
- 1 Replies
- 356 Views
-
Last post by KyrieJama
-
- 2 Replies
- 705 Views
-
Last post by Oxidant
-
- 0 Replies
- 312 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 312 Views
-
Last post by oldenglish
-
- 2 Replies
- 672 Views
-
Last post by Queen_Arawello
