Kulan taariikhi ah oo si aad ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacay xarunta wasaaradda arimha dibeda ee dalka Sweden taarikhdu markay ahayd 3 dec 2010, kaas oo dhexmaray ergeyga gaar ah ee qaabilsan arimha geeska afrika Marika Fahlen oo uu weheliyo Per Karlsson oo isna ka socday hayadda caawimaada u qaabilsa dalkan Sweden ee loo yaqaan SIDA iyo gudiga jaaliyadda guud ee dalka Sweden.
Salaan guud kadib waxaa hadalkii qaatay ergeygaa gaarka ah ee qaabilsan arimha geeska Afrika Amb Marika Fahlen iyadoo ka warbixisay xaaladda guud ee dalka Somaliya iyo gaar ahaan safarkii ay dhowaan ku tagtay gobolka waqooyi galbeed magaala madaxdiisa Hargeysa iyadoo noona faahfaahisay arimihii oo dhan. Intaa dabadeed waxaa hadalkii la wareegay guddigii jaaliyadda SSC ee dalka sweden iyagoo sii mugleh uga war bixiyey hadafka iyo himilooyinka loo unkay maamulka SSC kuwaasoo ku yimi rabitaanka cadaalad-doonka somaalinimadu ku dheehantahay ee shacbiweynaha SSC gude iyo dibedba. Guddigu waxay si qotodheer uga xogbixiyeen xaalada guud ee ka jirta degaanada SSC iyo colaadda ka oogan goboladaas ee ku saleysan dhulbaadhsiga.
Gudigu waxay kaloo wax majiraan kadhigeen warar beenabuur ah oo had iyo jeer laga faafiyo goboladda SSC, kuwaas oo ay faafiyaan shaqsiyaad dano gaar ah wata. Waxaa kaloo laysla gartay in ay jirto baahi bini-aadminimo oo aad u balaadhan oo ku baahsan mandaqadda SSC, inkasta oo labaatankii sano ee ugu danbeeyey malaayiin dollar lagu qaadanayey magacooda laguna dhibaateenayey maatada iyo caruurta biri mageydada ah, hadana loo baahan yahay in wada s.haqeyn iyo taakuleyn toos ah la siiyo maamulka SSC, taasoo uu soo dhoweeyeen Amb Marika iyo Per Karlsson oo SIDA u qaabilsan arimiha geeska Afrika. Per wuxuu kale oo balaanqaaday in xidhiidh degdeg ah la sameynayo dhamaan hayadaha ay iyagu maal geliyaan ee fadhigoodu yahay Nairobi, loona baahanyahay in ay la sameeyaan xidhiig toos ah xafiiska SSC ee Nairobi.
Qodobaddi kale ee laysku afgartay waxaa ka mid ahaa siddii wax loogu qaban lahaa boqolaalka kun ee ka barikacay degaanadda SSC iyo dadka sidda sharcidaradda ah loogu haysto xabsiyadda.Shirkaas oo qaatay muddo ka badan intii hore loogu cayimay ayaa gebgebidiisi lays ku raacay in la sii wado xidhiidhka jaaliyada iyo wasaaradda arimiha dibeda ee Sweden qeybteeda geeska afrika isla markaan ay aad u soo dhoweeyeen maamulka SSC kuna tilmaamay taalabo hore loo qaaday.
Xubnaha shirka jaaliyadda u metelay waxa kanid ah:
1: Gudoomiye Cabdi Khaliif Jamac
2 : Xog xiriirka caalamiga ee jaaliyadda Nasir Ali Danyo
3: Madaxa maamulka guud Dr: Liiban M Shariif
4: Madaxa dhaqaalaha Dalmar Cabdi Fataax
5: Afhayeenka Mubaarak Isamaacill Haybe




