Maygaagle(Jidbaale.com):-Wararka ka imaanaya magaalooyinka Buuhoodle iyo Maygaagle ayaa sheegaya inay Fashilmeen wada-hadalladii Maygaagle, ka dib markii beesha bariga Burco ay wada- hadalladii si toos ah uga baxday Khiyaano kalena sameeyeen.
Beesha bariga Burco, ayaa waxay dardar geliyeen qoditaankii Balliga Kalsheele, ayagoo dhammays-tiray ilaa shan Baraagood oo kale, ayagoo garab weyn ka helay Maleeshiyaadkooda, oo iska dhigay inay yihiin Dhex-dhexaad.
Saaka aroonimadii ayaa waxaa lagu wareejiyey beesha Habar-Jeclo lacag loogu talo galay Aaskii dadkii kaga dhintay dagaalkii Kalshaale ciidul Adxadii dhawayd.
Waxaana intaas dabadeed guddi isku dhaf ahi u dhaqaqaaqeen dhanka balliga Kalshaale si ay u soo eegaan bal waxa ka soconaya halkaas, waxayna kula kulmeen Balligii Kalshaale oo isku beddelay Magaalo weyn. Waxaa ay guddidu arkeen ilaa Shan Baraagood, Taar ama Fooneeyaha halow halowda, 3 Makhaayadoo, dukaan weyn iyo Saylad xoolaad oo weyn, oo halkaas laga wada yagyeelay, isla markaana loosoo raray Shirkadihii xoolaha ka iibsan jirey Qori-lugud.
Sidoo kale waxay guddidu indhahooda saareen ciidanka ku labbisan Koofiyadaha cas-cas, oo dusha ka ilaalinya magaaleynta ka socota Kalshaale, kuwaas oo la sheegay inay ka tirsan yihiin ilaalada Siilaanyo, oo ah maamulaha maamulka Hargeysa.
Arrintaas ayaa keentay kala bood iyo kala kac weyn oo hadheeyey shirkii maanta loo ballansanaa in la xukumo, waxayna dhalisay xiisad weyn.
Waxaa kaloo halkaas ka hanjabay qaar ka mid ah kuwii guddida ahaa ee ka soo jeeday beesha Bariga Burco, oo ku hanjabay inay Buuhoodle qabsanayaan "Waar Buuhoodle ayaan gudaha u galaynaa, ciidankayagii Widh-widh waa diyaar ee orda meesha ka taga", sidaas waxaa yidhi oday ka mid ah beesha Burco.
Guud ahaan deeganada Hawdka Ee SSC ayaa ah kuwa colaad weyn laga dareemayo, waxaana ay dadku aad uga cadhoodeen ficillada Khiyaanadaha ah ee ay ku kaceen beesha Burco.
Wararka ka imaanaya magaalada Widh-widh ayaa sheegaya in halkaas ay diyaar garoowgii ugu danbeeyey ku jiraan Maleeshiyaadka haysta halkaas, ayagoo u diyaar garoobaya guluf culus, oo ay ku qaadaan magaalada Buuhoodle.
Mid ka mid ah dadka ku sugan magaalada Widh-widh oo la hadlay mas'uuliyiin ku sugan Buuhoodle ayaa u xaqiijiyey inaysan caawa jirin wax dhulka ka yaalla maleeshiyaad, asagoo sheegay in magaalada Laascaanood ay ka soo baxeen intii ugu danbeysey ee ciidamada maleeshiyaadka SNM.
War hoose oo naga soo gaadhay ilo ku dhowdhow Horgalayaasha SNM ee jiidaha ayaa sheegay in xiisaddani ay u eg tahay mid lagu doonayo in lagu qabsado Buuhoodle, waxayna sheegeen in hadda xaalkooda aysan ka warrami karin, go'aana ka gaadhi karin, ayagoo sheegay in dagaalkani uu yahay mid beelaysan, oo haddii weerarka ay qaadaan maleeshiyaadka maamulku ay beeshooduna diyaar u tahay inay dhisato ama qodato meelkastoo, oo ay qabsadaan.
Isku soo wada duuboo, waxaa caddaan ah in khiyaano badan lagu sameeyey guddidii u xilsaarnaa wada hadallada beesha Kalshaale ama Dhulbahante, kuwaasoo u eg in gudcur madow ay gudayeen.
Jidbaale.com
sourcehttp://jidbaale.com/index.php?option=co ... -af-somali
I thought Kalshaale was Miyi
Moderator: Moderators
- Keyse_0208
- SomaliNet Super

- Posts: 9898
- Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
- Location: L D N
- Contact:
I thought Kalshaale was Miyi
i thought the place was a miyi, did HJ turn the place into a town in 1 month.??
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: I thought Kalshaale was Miyi
Its the Usual Nonsense from Qurjiiile..... They know we are gonna Move into Kal-shaale Regardless!!!! Kal-shaale is miyi and empty except the new Baraago that was being built.. but see about this!!!
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 572 Views
-
Last post by cyanide
-
- 26 Replies
- 1372 Views
-
Last post by Jamac_Yare
-
- 34 Replies
- 3722 Views
-
Last post by BLUE RUSH
-
- 4 Replies
- 4767 Views
-
Last post by HELWAA
-
- 12 Replies
- 926 Views
-
Last post by gegiroor
-
- 24 Replies
- 2200 Views
-
Last post by 1nemansquad
-
- 30 Replies
- 2149 Views
-
Last post by musika man
-
- 6 Replies
- 1036 Views
-
Last post by CigaalSHiiDaaDCFC
-
- 6 Replies
- 944 Views
-
Last post by Abdi_westldn
-
- 2 Replies
- 583 Views
-
Last post by snoop12