Maamulka Bay & Bakool oo qeybiyay 30,000 oo neef ah

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Talo alle udaa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2739
Joined: Thu Apr 16, 2009 4:03 pm
Location: Evaluating the African mind

Maamulka Bay & Bakool oo qeybiyay 30,000 oo neef ah

Post by Talo alle udaa »

Bay iyo Bakool: Alshabaab oo ururiyey Xoolo Zako ah oo gaaraya 30,000 Ari iyo 2,500 Geel

Daabaco | Print | Faafin: SomaliTalk.com: Sunday, January 9, 2011 // 8 Jawaabood


Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayna ka soo qeybgaleen mas’uuliyiinta xarakada alshabaab ee wilayadaha bay iyo bakool isla markaana qoysas abaaraha iyo colaadaha ku ceroobey xoolo nool lagu gudoonsiinayey ayaa ka dhacday dagmada xudur oo ka tirsan gobolka bakool waxaana ka hadlay gudoomiyaha mashruuca zakawaadka sheekh cabdala garweyne oo ka warbixiyey xoolaha la qeybinayo iyo dadka mutastay in la siiyo ee ay ka mid ka yihiin fuqurada ,masaakiinta dadka deymoobay ee deynta lagu yeeshay oo aana heli karin wax ay isaga bixiyaan iyo sidoo kale dadka gacanta ku haayey mudada xoolahana xanaaneynayey.

Halkan ka daawo Sawirada

Sheekh Cabdala garweyne ayaa sheegay in ay cibaado tahay xoolaha dadka muslimiinta ah laga uruuriyo ee la siiyo inta ka soo baxday sharuuda zakada.

Dagmada Xudur ayaa la isugu keenay ari gaarayo 4851 neef halka geelina uu garayo 392 neef waxaana loo qeybiyey qaar ka mid ah dadka deegaanka wuxuuna Allah uga mahdceliyey waafajinta iyo ku dhaqanka shareecada islaamka oo ay qaateen.

Sheekh Cabdala garweyne ayaa kula dardaarmay dadkii zakada qaadanayey in ay dhaqaalaysadaan xoolaha nool ay qaateen Allena ugu shugriyaan isla markaana u duceeyaan dadkii xoolaha bixiyey ee zakada laga soo qaaday .



Zakada ayaa ka socoto dagmooyinka gobolka bakool sida rabdhuure ,yeed waajid ,waxaana laga qeybiyey in ka badan 9000 oo neef guud ahaan gobolka bakool sida uu sheegay madaxa zakawaadka ee gobolada bay iyo bakool sheekh Cabdala garweyne



Wuxuuna sheegay in qeybinta zakada aysan ka soconin dagamada xudur oo kaliye balse ay ka socoto dagmooyinka iyo Gobolada ay gacanta ku heyso xarakada mujaahidiinta alshabaab dhamaantood .

Waxaana labada gobol ee bay iy Bakool sanadkaan u sooxarooday xoolo nool oo garaya xaga ariga in ku dhow 30,000 oo neef halka geela lagu sheegay in uu gaarayo 2,500 oo neef wuxuuna ku tilamaamay in ay tahay juhdi aad u weyn oo ay bixiyeen madaxda iyo ciidamada xarakada alshabaab iyada oo dhamaan xoolahaan loo qeybinayo dadka soo buuxiyo sharuudaha zakada lagu qaato oo ay u waajibto in la siiyo

Arintaan ayaa waxaa ku howlan wilaayada kala duwan iyo maamulada mujaahidiinta alshabaab ee gacanta ku haaya 10 gobol oo ka mid ah dalka Somaliya. Sheekh Cabdala garweyne ayaa ilaah ka rajeeyey naxariis badan ,roob iyo wanaag dhamaantiis
Hadalka ka dib ayaa waxaa la guda galay qeybinta xoolaha nool oo ariga laga bilaabay iyada oo qofkiiba la siinayey 5 neef oo kala duwan da’ahaan iyo muqaal ahaan si ay u ahaadaan kuwa kala nooc ah.

Dadkii la siinayey ayaa wajiyadooda laga dheehan karay sida aadka ah ee ay ugu faraxsanaayeen iyada oo qarkood sheegay in ay faqrigii tuureen.

Halkan ka daawo Sawirada: http://picasaweb.google.com/somalitalk/ ... 3199906738

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666

Image
Above pictures from:
http://www.amiirnuur.com/index.php?opti ... 48:wararka
User avatar
ArcadeFire
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 391
Joined: Tue Oct 19, 2010 1:12 pm
Location: Kigali

Re: Maamulka Bay & Bakool oo qeybiyay 30,000 oo neef ah

Post by ArcadeFire »

How much livestock have they forcibly taken from people for this gesture? :arrow:
User avatar
Cirwaaq
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6472
Joined: Wed Mar 24, 2010 2:37 pm
Location: Event Horizon periphery... HIILumination

Re: Maamulka Bay & Bakool oo qeybiyay 30,000 oo neef ah

Post by Cirwaaq »

Government increase taxes to keep the economy going in times of crisis, Would you prefer seeing starving somalis on TV?

More then the TFg is able to do don't you agree?
User avatar
whitehartlane
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2041
Joined: Sun Jan 02, 2011 10:23 pm

Re: Maamulka Bay & Bakool oo qeybiyay 30,000 oo neef ah

Post by whitehartlane »

masha'allah, .....somali people are very generous people and always willing to help those in need, ...we just need a system to make us do the right thing,
if for some reason single dude gets killed by a member of another sub clan, the sub clan of the deceased dude will be able to gather together and 500.000 dollars in a cimaamad in a single afternoon and next morning all out war......why cant we put the same effort, energy and commitment to the draught stricken people...
User avatar
Talo alle udaa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2739
Joined: Thu Apr 16, 2009 4:03 pm
Location: Evaluating the African mind

Re: Maamulka Bay & Bakool oo qeybiyay 30,000 oo neef ah

Post by Talo alle udaa »

Hadaad leedahay qofka markii zakada la weydiiyo ikhtiyaar ma leeyahay, jawaabtu waa maya oo shareeco ahaan dood magasho. Gobaladaan shabaabka waa laga amaana, dadkuna wey taageeraan mana filayo in qof xoog wax laga qaadey.


Ka waran intii qof cunno la siin lahaa, hadii xoolo nool la siiyo?


Koley wey dhamaan kuwa ayagu Zakana aanan uruurin, markey dhibaato timaadana ku dhawaaqa erayadaan

"Waxaan, hay'adaha samofalka, ganacsatada iyo cid walba oo wax haysata ugu baaqaynaa inay gargaar deg-deg ah la gaaraan dadka ay abaaruhu ku habsadeen ee ku nool guud ahaan Soomaaliya," ayuu yiri Sheekh C/qaadir Maxamed, oo sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin inay sugaan ammaanka shaqaalaha hay'adaha gargaarka"

http://hiiraan.com/news/2011/Jan/warark ... -12164.htm
Last edited by Talo alle udaa on Tue Jan 11, 2011 8:02 pm, edited 1 time in total.
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: Maamulka Bay & Bakool oo qeybiyay 30,000 oo neef ah

Post by grandpakhalif »

Mashallah si wad :up:
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: Maamulka Bay & Bakool oo qeybiyay 30,000 oo neef ah

Post by grandpakhalif »

Image

Waxaad arkaysay naag surwaal xiran... Wa maxay? Maxa loo ogaladay?
User avatar
Talo alle udaa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2739
Joined: Thu Apr 16, 2009 4:03 pm
Location: Evaluating the African mind

Re: Maamulka Bay & Bakool oo qeybiyay 30,000 oo neef ah

Post by Talo alle udaa »

Image

GP kuwaa rag macamiis qaba waaye ee waheen ma ahan.
User avatar
ArcadeFire
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 391
Joined: Tue Oct 19, 2010 1:12 pm
Location: Kigali

Re: Maamulka Bay & Bakool oo qeybiyay 30,000 oo neef ah

Post by ArcadeFire »

Talo alle udaa wrote:Hadaad leedahay qofka markii zakada la weydiiyo ikhtiyaar ma leeyahay, jawaabtu waa maya oo shareeco ahaan dood magasho. Gobaladaan shabaabka waa laga amaana, dadkuna wey taageeraan mana filayo in qof xoog wax laga qaadey.


Ka waran intii qof cunno la siin lahaa, hadii xoolo nool la siiyo?


Koley wey dhamaan kuwa ayagu Zakana aanan uruurin, markey dhibaato timaadana ku dhawaaqa erayadaan

"Waxaan, hay'adaha samofalka, ganacsatada iyo cid walba oo wax haysata ugu baaqaynaa inay gargaar deg-deg ah la gaaraan dadka ay abaaruhu ku habsadeen ee ku nool guud ahaan Soomaaliya," ayuu yiri Sheekh C/qaadir Maxamed, oo sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin inay sugaan ammaanka shaqaalaha hay'adaha gargaarka"

http://hiiraan.com/news/2011/Jan/warark ... -12164.htm
I dont know what that means. Alls I'm saying is these people have a policy of forcibly taking livestock from people, I've heard this from people there, granted their not eelay so they dont get to see the fruits of this zakaat. Every act of charity these people enforce tends to be in bay & bakool, wonder why? :?
User avatar
Talo alle udaa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2739
Joined: Thu Apr 16, 2009 4:03 pm
Location: Evaluating the African mind

Re: Maamulka Bay & Bakool oo qeybiyay 30,000 oo neef ah

Post by Talo alle udaa »

Its no secret al shabaab and the people of Bay and bakool have good relations however, they are also reportedly distributing livestock in galgaduud.


----
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo Galgaduud ka bilabey qeybinta xoolo nool oo garaya ilaa 5000 oo nef

Deganada kala duwan ee Gobolka Galgaduud ee Gacanta ay ku hayaan Maamulka Welayada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa manta ka bilabey qeybinta xoolo nool oo Ari u badan kwdaas oo lagu shegay in ay garayaan ilaa 5000 kun oo neef oo ariya.

Sida uu sheegay Shiikh Ciise Mxamed Weheliye oo ah madaxa sakawaadka Xakarada Shabaab e Gobolka galgaduud ee xarakada shabaab ayaa manta shaca ka qaadey in ay si isku mid ah uga bilabeen qeybinta xoolo nool Degano iyo degmooyinka Gobolka.

Shiikha ayaa shegay in deganada ay ka midka Yihiin Degmada Ceen Dheer,Gal-hareri ,Gal Cad iyo Hareeraha Degmada Ceel Buur ay ka qeybiyen Sakooyinkii xoolaha Nool iaydoo qofkii lasiinayo 5 Neef oo ariya miskiinka ahaa.

Sidoo kale waxa uu shegay in ay sii wadaan ilaa inta ay ka dhameynayaan xoolaha ay hayaan oo garaya ilaa 5000 neef oo ari ah isla markasna welayadu ay intii karankeda ah dadka ugu taba ruci doonto wixii awooda ah.

Waxa kale oo Baaq u jeediyey Dadka ALLAAH wax siiyey in ay wax ka siyaan Dadka Abarta ay xoolo tirtey ee ku nool Gobolka Galgaduud si ay ugu nooladaan iaydoo ay ogyihiin waxa ka jira Gobolka xitaa dadka Musliminta ah ayaa loogu baqayaa ayuu yiri in ay u soo gurmadaan dhibaa dadka ay heystao.

Xoolahaan ayaa ah kuwo aad u badan ay Maanta bilabeen qeybinteeda Maamulka Xarakada Shabaabul Mujahidiin ee Welayada Gobolka galgaduud waxaana sidaan oo kale ka socdo gobolada ay gacanta ku hayaan qeybinta sakooyinka iyo waliba biyo dhamin iyo qeybinta Raashin intaba

Faarax Cumar Maxamed
Faarax91@gmail.com

--------------------------------------------------------------------------------

Xafiiska Warqabadka Dayniile
Cabdiraxmaan Macalin xuseen
Webmaster@dayniile.com
Dayniilecom@hotmail.com
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Maamulka Bay & Bakool oo qeybiyay 30,000 oo neef ah

Post by Keyse_0208 »

grandpakhalif wrote:Image

Waxaad arkaysay naag surwaal xiran... Wa maxay? Maxa loo ogaladay?

granpa are you blind, thats a young boy, its just the way he is posing that makes him look femenine, si fiican sawirka u eeg.
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: Maamulka Bay & Bakool oo qeybiyay 30,000 oo neef ah

Post by udun »

whitehartlane wrote:masha'allah, .....somali people are very generous people and always willing to help those in need, ...we just need a system to make us do the right thing,
if for some reason single dude gets killed by a member of another sub clan, the sub clan of the deceased dude will be able to gather together and 500.000 dollars in a cimaamad in a single afternoon and next morning all out war......why cant we put the same effort, energy and commitment to the draught stricken people...
:up: :up:
User avatar
waryaa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5892
Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm

Re: Maamulka Bay & Bakool oo qeybiyay 30,000 oo neef ah

Post by waryaa »

kudos :up: :up:
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Maamulka Bay & Bakool oo qeybiyay 30,000 oo neef ah

Post by AhlulbaytSoldier »

Image
User avatar
abdisamad3
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12628
Joined: Sat May 30, 2009 10:18 am
Location: Kismayo

Re: Maamulka Bay & Bakool oo qeybiyay 30,000 oo neef ah

Post by abdisamad3 »

if shabaab help people this Somalis are hating..if shabaab fight ugandese gaalo this Somalis are still hating and crying..if shabaab cuts the hands of isbaaro making thief this Somalis are crying what ever shabaab do good or bad this Somalis would be still crying..this never ending whining people meel loo raco maba lahan..somali people need to learn we cant all be rulesérs and all our qabil cant be the head of state..marka is dajiya..and stop crying on the internet..if you want a change well start with your self then go and change the world. :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”