Garoowe:(Allputland)-Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa markii ugu horaysay si faahfaahsan uga hadashay kalsooni kala noqoshadii & xariga u jaristii ay dhawaan ku samaysay xukuumada jilicsan ee Muqdisho,taas oo ay dawladu sheegtay inay muhiim noqotay in dhinacyo badan oo la eegay kadib ay ka laabtaan wadashaqeyntii & caawintii ay la lahayd xukuumada jilicsan ee Soomaaliya.
Wasiirka Wasaarada Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah ee dawlada Puntland Dr.Daa'uud Maxamed Cumar ayaa warbaahinta u sheegey in xukuumada imika jirta aysan diyaar u ahayn isku keenista dadka Soomaaliyeed ayna sii kala fogaynayso,waxaana ay dawldu muujisay sida ay uga walwalsantahay hogaanka imika jirta oo aanan khibrad & waayo aragnimo dheer u lahayn habka maamul ee shucuubta magac ahaan hoostimaada.
"Anigu Ma aaminsani in Sheekh shariif uu ogyahay inuu yahay madaxweyne Soomaalieed,mana aaminsani inuu diyaar u yahay inuu isku keeno dadka Soomaaliyeed,meesha uu joogo oo 2-KM ahna maba ahan meel la'isugu keeni karo Soomaaliya oo idil,sidaas darteed waxaa noo muuqtay in aysan dawladu awood u lahayn fulinta balanqaadkii ay samaysay"Ayuu yiri Wasiirka qorshaha ee Puntland.
Dr.Daa'uud Maxamed Cumar wuxuu meesha ka saaray in Puntland ay ka goosanayso Jamhuuriyada Soomaaliya taas oo uu ku tilmaamay dacaayad ay sameeyeen dadka qaarkiis,waxaana uu sheegey in xukuumadiisu aysan marna ka daalayn isku keenista Bulshada Soomaaliyeed oo ay colaadu mudada kala irdhaysan imikana ay uga sii dartay hogaanka xumida maamulka imika jira.
Cabdiqani Xayir
Allpuntland
Sheekh Shariif ma uu oga inuu yahay madaxweyne Soomaaliyeed
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Sheekh Shariif ma uu oga inuu yahay madaxweyne Soomaaliyeed
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 542 Views
-
Last post by THE_TRUTH1
-
- 1 Replies
- 959 Views
-
Last post by Nubis
-
- 2 Replies
- 305 Views
-
Last post by NoAngst.
-
- 12 Replies
- 950 Views
-
Last post by samatar133
-
- 2 Replies
- 1037 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 2 Replies
- 780 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 10 Replies
- 872 Views
-
Last post by ToughGong
-
- 0 Replies
- 239 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 3 Replies
- 655 Views
-
Last post by CaynabaX
-
- 0 Replies
- 233 Views
-
Last post by bashe19