Written by Ramaas
Col.Canjeex oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu ku markhaati furo Maslax Maxamed Siyaad Barre.
Nov 01, 2009 at 09:58 AM
"Waxa lay geystay Dhaawac-maskaxeed, magdhaw ayaanan u baahanahay"
Hargeysa (Qarannews)- Col. Ibraahim Cali Barre (Can-jeex) oo laba jeer oo hore sharraxaado ka bixiyay sidii uu u dhacay xasuuqii Xeebta Jasiira oo sannadkii 1989-kii lagu laayay inka badan 46 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeday Beelaha Isaaq, isla markaana isaga loo haystay ayaa markii saddexaad ka hadlay arrintii xasuuqaas.
"Anigu hadee, arrintaan horaan u cadeeyay oo sannadii 2000 ayaan tegay maxkamad ku taala Nairobi oo aan idhi cidii cadaymo raadsan karaysaa ha tagaan maxkamaddaas." Ayuu hadalkiisa ku bilaabay. Waxaanu intaa ku daray Col. Can-jeex "Markaa mid yar oo markhaati kale ah aan kuugu daro, waxaa jirtay in sannadkii 1982-kii aniga oo Burco ka tegay, ciidan laygu dhiibay jiidda hore wada oo ku socda Jiiddaa Goraya-xun, ayaan habeenkii sii seexday Oodwayne, maalinkiina ka baqoolay. Goor ay tahay 5:00 ayaa waxa igu soo dhacay hub yar-yaroo Baasuuke ka mid yahay, meeshii weerar baan ku qaaday, waxaanan qabtay 11 nin. Markani waa markii SNM-tu abaabulka ku jirtay, 11-kaa nina may hubaysnayn. Waxay wateen baabuur ay lahayd dawladda hoose ee Oodwayne, waxay igu yidhaahdeen waa nala soo khasbay...wax khasab ahi ma jirine, waan soo kexeeyay oo Oodwayne ayaan ku soo celiyay. Markaan immina dhalinyaradii waxaan u dhiibay xaafadahoodii. Markaa waxa weeye si sarkaalnimo ah oo Soomaalinimo ahayd ayaan dadkoodii ugu soo celiyay. Marka, Can-jeex baa guryo kala baxay dad, hadaan guryo kala baxayo, maxaan u layn waayay kuwaas jiida igu xabadeeyay oo ila dagaalamay? Markaa iyagaa markhaati ka Reer Oodwayne waana 1982-kii, abaabul baa loo waday."
"Ta kale, maamulada ka jira Soomaaliya, marka laga bilaabo Somaliland, Puntland, Dawladda ku-meel-gaadhka ah iyo cid kastoo caqli lehba waxaan ka codsanahayaa inay dalbadaan maxkamad caalami ah oo qaada dembiyadii dadka laga galay. Arrintaasi maaha mid Soomaalida u taala, waa arrin adduunka u taala, waxaanan codsanayaa inay dalbadaan maxkamad caalamiya, si loo ciqaabo dadkii dembiyada dagaalka galay kuwii hore iyo kuwo dambeba. Isla markaana waxaan ku waaninayaa kuwa dadka dulmaya in wax aanay u hubin ay dadka ku dulmaan." Ayuu yidhi Col. Can-jeex. Waxaanu intaa ku sii daray, "Aniga dembi baa layga galay, dulmiguna ma fiicna. Illaahay baa dulmiga diiday. Markaa anigu hadaan maxkamaddaas helo waxan ku dacwiyayaa magdhaw-maskaxeed iyo caqliyadeed. Waxa weeye arrintaan ayaa laygu dilay Soomaali oo dhamina waa ka markhaati. Ragga arrintan runteeda ogaa oo aan ka hadlin 100 kor waa u dhaafayaan, iyaga aakhiro ayaanu isla tegaynaa. Laakiin waa inay runta ka hadlaan. Waar haday qabyaalad tahay, immika wiilka Axmed Godane ah ma reer Hargeysaa qaadanaya? Waar ha laga hadho arrimaha qabyaalada. Yaan arrinta qabyaalad laga dhigine, ha laga dhigo dambiile. Haday gacan-ku-dhiigle tahay, waa la yaqaanaa ninka loo raacayo, laakiin waxa ka horaysa in adduunka maxkamad iyo farogelin laga dalbado." "Haa, waan ku furayaa markhaatiga, maxaa yeelay maxaan uga hadlayaa. Immika 20 sannadood ayaan ka aamusnaa, markaa naftayda ma dulmayo oo Illaahay baa igu cadaabaya hadii aanan difaacin." Ayuu ku jawaabay mar la waydiiyay in hadii uu maxkamad dembiyada dagaalka qaada uu ku markhaati furayo cidii uu kaga xuub-siibanayay falkaas oo uu ku tilmaamay Maslax Maxamed Siyaad.
http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=62
Col.Canjeex oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu ku markhaati
Moderator: Moderators
- MrPrestige
- SomaliNet Super
- Posts: 10104
- Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
- Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~
Re: Col.Canjeex oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu ku markhaati
Ducaysane209 wrote: la waydiiyay in hadii uu maxkamad dembiyada dagaalka qaada uu ku markhaati furayo cidii uu kaga xuub-siibanayay falkaas oo uu ku tilmaamay Maslax Maxamed Siyaad.
and to think that this man almost became president of somalia..its so craaazzzzzzzzzyyyyyyyyyyyyyyy that it gives a surplus of the SL independancy's quest

- MrPrestige
- SomaliNet Super
- Posts: 10104
- Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
- Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~
Re: Col.Canjeex oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu ku markhaati
lol lali dee thats for somalia for you even the biggest criminal morgan wanted to run for presideny thats how insane it is.
. laakinse they will both be bought under court inshallah. 


-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 10 Replies
- 872 Views
-
Last post by ToughGong
-
- 3 Replies
- 655 Views
-
Last post by CaynabaX
-
- 0 Replies
- 239 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 0 Replies
- 335 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 259 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 416 Views
-
Last post by kaliil
-
- 6 Replies
- 850 Views
-
Last post by Jaamacbuuhoodle
-
- 2 Replies
- 486 Views
-
Last post by snoop12
-
- 0 Replies
- 233 Views
-
Last post by bashe19
-
- 24 Replies
- 1139 Views
-
Last post by fagash_killer