Waxgaradka Degmada Taleex Oo Sheegtay Inay Si Buuxda Uga Qeyb Qaadanayaan wada hadalada Nabadda
March 25th, 2011
Hargeysa(Somaliland.Org)- Odayaasha iyo waxgaradka degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa shir ay ku yeesheen magaaladaasi ka dib waxay soo saareen bayaan ay ku shaaciyeen inay ka qeyb galayaan wada hadalada nabadda ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqay waxgaradka gobolka Sool, Buuhoodle iyo Sanaag-bari.
Waxa kale oo ay odayaasha iyo waxgaradka Taleex shirkaasi ka soo saareen baaq qeylo dhaan abaareed ah oo ay xukuumadda Somaliland iyo Ha’yadaha Caalamiga ah ka dalbadeen inay gurmad deg deg ah gaadhsiiso dadka abbaaraysan ee ku dhaqan tuulooyinka degmadaasi.
“Waxgaradka, odayaasha iyo Bulshada degmada Taleex shir ay maalmihii la soo dhaafay ku yeesheen magaaladan waxaanu ka soo saaray laba qodob oo midna la xidhiidho dhinaca Nabadgelyada midna la xidhiidho Abbaaraha ba’an ee ka jira Degmada Taleex iyo Gobolka Soolba,”ayuu yidhi Ismaacii Maxamed Cabdi, oo ka mid ah odayaasha shirkaasi ka qeyb galay.
“Haddii aanu nahay odayaasha iyo waxgaradka Degmada Taleex waxaanu diyaar u nahay inaanu ka qeyb galo baaqa nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland soo jeediyay, waxgarad iyo bulshaba waanu isku raacsan nahay inaanu wada hadalada nabadda ka qeyb qaadano,”ayuu yidhi Ismaaciil Maxamed Cabdi, oo maanta u waramayay Laanta Afsoomaaliga ee Idaacada BBC-da.
Ismaaciil Maxamed waxa kale oo uu sheegay inay xukuumadda Somaliland iyo Ha’yadaha caalamiga ahba ka dalbanayaan inay gurmad deg deg ah la soo gaadhaan dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan degmada Taleex, oo uu tilmaamay inay ka jirto duruuf adagi.
Waxa kale oo uu intaasi ku daray inaanay wax gurmad ahi soo gaadhin illaa imika dadweynaha abaaruhu saameeyeen ee ku nool tuulooyinka degmada Xudun.
Oday Ismaaciil waxa uu ammaan u soo jeediyay ciidamada qaranka ee fadhigoodu yahay degmdaasi oo uu tilmaamay inay wada shaqayn wanaagsani ka dhaxeyso oo ay dadweynaha taageeraan.
Somaliland xudun district elders support the peace proposal of president Siilaanyo
21 Ka Mid Ah Waxgaradka Degmada Xudun Oo Soo Dhaweeyay Baaqa Nabadeed Ee Madaxweyne Siilaanyo
March 29th, 2011
Xudun (Somaliland.Org)- Cuqaasha iyo nabad doonadda degmada Xudun ee gobolka Sool, ayaan bayaan ay maanta soo saareen waxay ku sheegeen inay taageersan yihiin oo ay ka qeyb galayaan gogosha nabadda iyo baaqii Madaxweynaha Somaliland u soo jeediyay waxgaradka gobolka Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle.
Bayaankaasi wuxuu u dhignaa sidan “Haddii aanu nahay Cuqaasha iyo odayaasha degmada Xudun ee gobolka Sool, waxaanu leenahay waanu aqbalaye’e ha la tixgeliyo baaqa nabadeed iyo gogosha uu shacbigayaga u fidiyay madaxweynaha Somaliland.
Xukuumadihii Somaliland iskaga dambeeyay oo dhami may furin gogol nabadeed, waxaanu qabnaa inay xukuumadda Somaliland tahay ta kaliya ee baaq nabadeed iyo wada hadal inoogu baaqday hala yeelo.”
Cuqaasha iyo odayaasha saxeexay bayaankaasi waxay ahaayeen:-
1) Chief Caaqil Saleebaan Jaamac Baruur-doon.
2) “ “ Maxamed Aadan Cadde.
3) “ “ Muuse Xasan Falaalug.
4) Samadoon Axmed Yuusuf Aadan.
5) “ Maxamed Nuur Muuse
6) “ Axmed Xirsi Xasan.
7) “ Maxamed Xasan Saleebaan.
8) Oday Jaamac Nuur Cali Bandcadde.
9) “ Cali Faarax Warsame.
10) “ Cali Iid.
11) “ Jaamac Maxamuud.
12) “ Maxmaed Xasan.
13) “ Casbdi Maxamed Xasan.
14) “ Maxamed Jaamac Dhiilood.
15) “ Maxamed Saleebaan Diriri.
16) “ Jaamac Warsame Ismaaciil.
17) “ Maxamed Jaamac.
18) “Askar Aadan Hadhi-waa.
19) “ Saleebaan Cali Cabdi
20) “ Cabdilaahi Maxamed Liibaan.
21) Xuseen Bille Maxamed
Cumar Maxamed Faarax