http://www.aarannews.com/?p=24064
Maxamed Xasan Xaad: “Haddii shirka lagu qabto meel ahayn Muqdisho fashil ayuu ku dhammaanayaa”
Guddoomiyaha Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ee Muqdisho Maxamed Xasan Xaad ayaa ka digay haddii meel aan Muqdisho ahayn lagu qabto shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Q/midoobay ay qabanqaabinayso in uu fashil ku dhammaan doono.
Xaad waxa uu u sheegay Q/midoobay in ka fiirsi badan ay ka yeeshaan arrinta shirka iyo goobta lagu qabanayo, wuxuuna ugu baaqay Qaramada Midoobay in shirka wadatashiga ah ee dhawaan la qabanayo aan laga weecin magaalada Muqdisho oo uu sheegay inay tahay caasimadda Soomaaliya, sidoo kalena ay tahay xarunta ay ku shaqeyso dowladda KMG Soomaaliya.
Waxa uu Guddoomiyaha Golaha Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad uu sheegay in loo baahan yahay Q/midoobay aysan ogolaan in shirka lagu qabto meel aan ahayn magaalada Muqdisho.
Xaad waxa uu ku baaqay in shirkaasi lagu qabto halka ay dowladda KMG Soomaaliya gacanta ku heyso ee magaalada Muqdisho, waxaana uu tilmaamay in aysan jirin meel ugu wanaagsan shirkaasi Mudisho, isagoo shaaca ka qaaday in haddii shirkaasi lagu qabto meel oo ka baxsan Muqdisho uu ku dhamaan doono fashil isla markaana aan laga gaari doonin ujeeddadii loo qabtay.
Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad waxa uu sheegay in haddii Qaramada Midoobay ay iska dhaga tirto baaqa Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ay iyagana go’aan ka qaadan doonaan baaqyada Qaramada Midoobay, wuxuuna mar kale ku celiyay in lagama maarmaan ay tahay in shirkaasi lagu qabto magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole uu sheegay in shirka wadatashiga ee Soomaaliya lagu qaban doono magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, isagoo sheegay in Q/midoobay ay arrintaas isku afgarteen, madaxweynaha Soomaaliyana lagu wargelinayo, sida uu yiri.
Somali national peace conference: garowe v mogadishu
Moderator: Moderators
- whitehartlane
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 2041
- Joined: Sun Jan 02, 2011 10:23 pm
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 687 Views
-
Last post by Monk-of-Mogadishu
-
- 6 Replies
- 919 Views
-
Last post by original dervish
-
- 0 Replies
- 512 Views
-
Last post by newsbot
-
- 1 Replies
- 589 Views
-
Last post by original dervish
-
- 8 Replies
- 1346 Views
-
Last post by STARKAST
-
- 15 Replies
- 1749 Views
-
Last post by Faant
-
- 8 Replies
- 2046 Views
-
Last post by NewHargeisaGirl
-
- 7 Replies
- 66 Views
-
Last post by Somalian_Boqor
-
- 0 Replies
- 531 Views
-
Last post by tightrope