Dhalinyarada Aaya ka talinta Garosoor ee magaalada Gaalkayo

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Dhalinyarada Aaya ka talinta Garosoor ee magaalada Gaalkayo

Post by FBISOMALIA »

Image

Kooxda dhalinyarada Aaya ka talinta ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay soo gabagabeeyeen hawl gallo isugu jiray wacyi galin iyo laambado xirid oo ay labadii maalmood ee la soo dhaafay ka wadeen xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkayo.

Dhalinyarada ayaa waxa ay ku guulaysteen in ay xiraan in ka badan 250 Laambadood oo ay ugu talo galeen xafadda Garsoor, waxana ay sidoo kale bulshada ugu baaqayeen in ay iska xiran luuqyada aan la marin.

Waxa ay bulshada darensiinayeen in luuqyadu aanay ammaan ahaan u wanaagsan, nadaafad ahaan u wanaagsaneyn dhinac akhlaaqiyanna ka daran, waxaana dadku badankood ay soo dhowaynayeen wacyi galinta iyo baaqyada dhalinyarada.

Intii ay dhalinyaradu hawl gallaada ku jireen ayaa waxaa ka muuqday in ay aad ugu faraxsan yihin hawlaha ay wadaan, waxaana ay laambadaha ku xirayeen meelaha ay u arkaan in ay daruuri u yihin dhanka maritaanka iyo sugidda nabad galyada.

Intii uu hawlgalku socdaya ayaan qaar ka mid ah dhalinrada wax ka waydiinay dareenkoda iyo sida ay u arkaan hawshaa ay wadaan, waxaana ay sheegen in ay aad ugu faraxsan yihin hawlgalladan.

Kooxdani dhalinyarada ah ayaa waxa ay ka fuliyeen xaafadda Garsoor hawl gal soconyay muddo laba maalmood ah, waxana ay maanta u gudbeen xaafadda Israac oo ay ka billaaben wacyi galinta, taasoo ay maalinta birrita ahna hawl fulinta ka billaabi doonaan.

Guud ahaan bulshada gobolka ku nool iyo qurba joogta ayaa aad u soo dhoweeyay hawlgaladan waxaana ay dhalinyaradu u mahadceliyeen maamulka gobolka oo ka saaciday fulinta qorshayaashan oo ay ka mid tahay iyaga oo ka taageray laambada.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”