War-saxaafadeedkaa uu Caawa soo saaray Madaxweynuhu ee isku badalka xilalka Badhasaabaddu waxa uu u dhignaa sidatan:
Hargeysa-(HWN)- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa isku badal ku sameeyay xillalka badhasaabada gobolada dalka Somaliland, waxaanu Madaxweynuhu xilkii ka qaaday Badhasaabkii gobalka Awdal, halka Badhasaabkii Gobolka Sool u Magaacaabay in uu noqdo Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, halka badhasaabka Gobolka Maroodi-jeexna loo badalay in uu ahaado badhasaabka Gobalka Sool.
War-saxaafadeedkaa uu Caawa soo saaray Madaxweynuhu ee isku badalka xilalka Badhasaabaddu waxa uu u dhignaa sidatan:
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1568/022013 uu isku bedel ku sameeyey Badhasaabada Dalka qaar ka mida.
MADAXWEYNAHA:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Garwaaqsaday: In baahi loo qabo in isku-beddel lagu sameeyo Gudoomiyeyaasha Gobollada Dalka si loo horumariyo hanaanka Dawladnimo;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay hawshani khusayso;
Markuu Arkay: In ay hanan karaan xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go?aansaday
1. In Mudane, Maxamed Maxamuud Cali laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee JSL. (Horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Sool)
2. In Mudane, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland. (horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee JSL)
3. In Mudane, Maxamed Faarax Aden, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.
4. In Mudane, Cabdoo Axmed Aayer, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland. ( horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ee JSL)
5. In Mudane, Axmed Muxumed Geelle (Dacar), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.
6. In Mudane, Yuusuf Ibraahim Geedi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.( horena u ahaa Gudoomiaha Gobolka Oodweyne).
7. In Mudane, Jamaal Xuseen Hurre, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Oodweyne ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Hawd)
8. In Mudane, Cabdilaahi Faarax Maydhane, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland.
9. In Mudane, Ibraahim Xasan Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Saraar)
10. In Mudane, Axmed Cali Nuur laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Saraar ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Horena u ahaa Gudoomaha Gobolka Gabiley).
Xilka Qaadis
Madaxweynuhu waxa uu Xilkii Gudoomiye nimo ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Awdal Mudane, Axmed Xadi Sidci oo uu madaxweynuhu uga mahadnaqay mudadii uu xilkan qaranka soo waday haatana uu xilka ku wareejiyo Gudoomiyahan Cusub.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
BADHA-SAABADII GOBOLADA SOMALILAND OO LA IKSU BADALAY
Moderator: Moderators
- KingWaslawi
- SomaliNet Super

- Posts: 5296
- Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
- Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 16 Replies
- 3309 Views
-
Last post by Rooble90
-
- 2 Replies
- 356 Views
-
Last post by KingWaslawi
-
- 14 Replies
- 722 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 1 Replies
- 404 Views
-
Last post by X.Playa
-
- 3 Replies
- 421 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 2 Replies
- 200 Views
-
Last post by Awe
-
- 9 Replies
- 552 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 7 Replies
- 1226 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 8 Replies
- 1040 Views
-
Last post by sahal80
-
- 7 Replies
- 741 Views
-
Last post by FBISOMALIA