Shirkii Qaaxo Ee Xassan Culusow Iyo Jabhada SNM Uga Socday Dalka Turkey Oo Qodobo ay Ku Heshiiyeen Kasoo Saareen.
Ankara(Allssc): Waxaa goor dhaw Magaalada Ankara ee Xarunta dalka Turkiga lagu soo gaba gabeeyay, wada hadalo maalintii 2-aad uga soconaayay Somalia
iyo jabhada SNmta. Xasan Sheekh Maxamuud(Culusow) iyo Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”, ayaa waxay maanta isku arkeyn shirkaan, oo goor dhaw
la soo gaba gabeeyay Shir saacado badan oo maanta ka soconaayay Magaalada Ankara kadib, ayaa waxaa laga soo saaray War Murtiyeed ka kooban 7 qoddobo,
oo ay labada dhinac ku wada heshiiyeen. Goobta War Murtiyeedkaan laga akhrinaayay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Raa’isal Wasaaraha dalka Turkiga Recep
Tayyip Erdoğan, oo isugu dadaal ugu jira sidii labada dhinac, ay isugu soo dhawaan lahaayeen.
Halkan Hoose Ka Dhagayso
War Murtiyeedka laga soo saaray wada hadalada Ankara
1-In la sii wado wada hadalada labada dhinac u soconaaya
2-In heshiisyadii hore ee London iyo Dubai la tex geliyo/dhawro.
3-In labada dhinac ay wada hadalada sii wadaan, iyadoo markaasi ay Beesha Caalamka ka caawin doonto dhinaca farsamada
4- In ammaanka ay iska kaashadaan labada dhinac.
5-In la wada wadaago, deeqaha ay heleyso Somalia
6-In muddo 90 maalmood ah lagu qabto wada hadalo kale, oo markaasi lagu sii wadayo wada hadaladaan, laguna qabto Magaalada Istanbul.
7-In labada dhinac ay joojiyaan hadalada xanafta leh, ee wax u dhimi kara wada hadalada u soconaaya.
Hadaba Shabakada Allssc ayaa waxay u aragtaan bayaanka xambaarsan 7 qodob mid baadil ah iyadoo asalka wada hadaladan ay yihiin kuwo ay qol gooni ah
isku soo xirteen labo jabhadood. Hadaba akhristayaasheena sharafta leh waxaa u balan qaadeynaa in aan idiin cadeyno hagardaamada ay ku tashanayaa
labadan jabhadood oo kala jooga Muqdisho iyo Hargeyso.
http://allssc.com/2013/04/shirkii-qaaxo ... -dhagayso/
