President of Khatumo Republic opens meeting.Mashallah GuuL

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

DarthSomali
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 954
Joined: Thu Mar 15, 2012 1:43 pm
Location: Secession leads to Peace Let us go Seperate Paths

President of Khatumo Republic opens meeting.Mashallah GuuL

Post by DarthSomali »

Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka maamulka Khaatumo, Maxamed Jaamac Yuusuf (Indha-sheel) ayaa wacad ku maray inaanu marna baaqan doonin shirkii Khaatumo, kaddib mar shalay boqolaal qof kula hadlayay degmada Buuhoodle.

Indha-sheel oo safarkiisa ay ku weheliyeen waxgarad iyo madax-dhaqameed ayaa dadka reer Buuhoodle uga mahad-celiyay soo dhowaynta ay isaga iyo wafdigiisa u sameeyeen, waxaanu tacsi u diray qoysaskii ay kasoo jeedeen dadkii dhawaan ku dhintay dagaalkii ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool.

Garaad Cismaan Mashqare oo weftigaas ka mid ahaa ayaa wuxuu isaguna ka sheekeeyay dagaalladii degmada Taleex ka dhacay, waxaanu xusay inaysan ku dagaalamin halkaas laba beelood ee ay ku dagaallameen ciidammo iska soo horjeeda, isagoo xusay in dad shacab ah lagu xasuuqay degmadaas.


I wish this young nation Khatumoland goodluck. :up:
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”