


Ciimada Dawlada Puntland Oo Lawareegay Deegaano ay ku Sugnaayeen Ciidamada Somaliland.
Buuhoodle(Puntlandi.com);- Ciidamada Dawlada Puntland ayaa gaaray Deegaanada Widh Widh iyo Hagoogane oo maalmihii udanbeeyay ay ku sugnaayeen ciidamada Mamulka labaxay Somaliland kuwaa oo ka ruqaansaday xiliga ay ku soo dhawaadeen ciidamada Dawlada Puntland.
Masuuliyiin katirsan Mamulka Gobolka Cayn iyo saraakiil ciidamada horkacaysa ayaa farsiin ka samaystay halka ay kacarareen ciidamadii mamulka labaxay somaliland waxaana ay wacad ku mareen in dagaal ay lagalidoonaan hadii dhulka Puntland ay cagta soo galiyaan maleeshiyaadka Siilaayo.
Maleeshiyaadka hogaamiye Siilaayo ayaa maalmihii udanbeeyay waday dhaqdhaqaayo ay ciidamo ku soo galinayaan deegaano katirsan Gobolka Cayn waxaa falalkaasi ka hortagay ciidamada Dawlada Puntland ee dhulkaa ku sugan.
Mamulka Gobolka Cayn ee Dawlada Puntland ayaa sheegay in Dawlada ay kala hadleen dhaq’dhaqaaqyada Somaliland jawaab wanaagsana ka siiyeen hadana ay isku duubanyihiin talaabana laga qaadyo cidii ku soo xadgudubta dhulka Puntland
Duqa Magaalada Laascaanood Oo Maanta U Kala Wareejiyey Xilalkii Xoghayihii Hore Ee Dawlada Hoose Iyo Xoghaye Cusub Oo Loo Magacaabay Degmadaa (Daawo Warka Xil- Wareejinta).Diyaarad Hub Iyo Saanad Milatari U Siday Puntland Oo Soo Fadhiisatay Garoonka Hol-Hol (siiland news)
Diyaarad Hub Iyo Saanad Milatari U Siday Puntland Oo Soo Fadhiisatay Garoonka Hol-Hol Ee Koonfurta Sool Oo Ciimada Qaranka Faro Cididii Kaga Baxsatay
Hol-hol, (Qaran news) - Diyaarada la sheegay inay leedahay shirkada Sarecan oo iyadutababaraysa ciidamo ka tirsan maamul goboleedka Puntland oo sida hub iyo saanad milatari ayaa la sheegay inay soo fadhiisatay garoonka diyaaradaha Hol-hol oo ku yaala koonfurta Sool, isla markaana ay faro cididood kaga baxsatay ciidanka qaranka Somaliland, ka dib markii ay dib uguduushay magaalada Garoowe.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku sugan deegaankaasi in markii shalay subax ay soo fadhiisatay diyaaaraadasi garoonka diyaaradaha ee Hol-hol ay damacsanayd inay Rasaas iyo Qoryo fudfudud ay u dajiso Maleeshiyo Beeleed ka tirsan Puntland oo ilaalinayey goobo ay doonayeen inay shidaal ka qodo shirkad Maraykanka ah oo la sheegay inay ku hawlanayd mudooyinkanba.
Waxaanay wararku intaas ku darayaan in markii ay ciidamada qaranka ee Jiida koonfurta Sool ku sugani ay ka warheleen diyaaradaasi la sheegay inay dib ugu duushay magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland, iyagoo ilo wareedyadaasi ay Haatuf u xaqiijiyeen in diyaaradaasi ay saanada milatari ka keentay dalka Ugandha, taas oo ay leedahay shirkada Sarecan ee ciidamada Puntland tababarta.
Diyaaradan ayaa la sheegay in nooceedu uu yahay diyaaradii Hargeysa dhawaan lagu qabtay ee saanada milatari u siday Puntland ee la xukumay laguna sii daayey ganaax.
Dhinaca kale madaxwayne Ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire oo isaga la sheegay in uu muddo laba maalmood ah ku sugnaa deegaankaasi Hol-hol isaga iyo ilaaladiisii ay ciidamada qaranku markii diyaaradaasi ku soo ruqaansadeen la sheegay inay iyaguna u fakadeen xaga Garoowe, inkasta oo tibaaxuhu sheegayaan in diyaaradaasi oo qadar nususaace ah fadhiday garoonkaasi Hol-hol ay ku dajisay qoryo gaadhaya 230 qori iyo Rasaastoodii ka hor intii aanay ciidanka qaranku ku soo bixin, taas oo u duushay garoonka Garoowe oo hubkii kale ee ay siday ku dajisay.
Ciidamada qaranka Jamhuriyada Somaliland ee jiidaasi gobolka Sool ku sugan ayaa iyagu la sheegay in ay heegan culus galeen, halka ciidamada qaranka ee iyaguna ku sugan jiida Buuhoodle oo la sheegay in ay ka warheleen dhaqdhaqaaqyo ay soo maleegayaan Maleeshiyada Nabad diidka Buhoodle ay iyaguna jiidaas Buuhoodle isku balaadhiyeen, isla markaanay ay si weyn u xoojiyeen amaanka deegaanadaas Maygaagle, Hagoogane iyo deegaanada hoos yimaada degmada Buuhoodle.
Puntland iyo shirkadii maraykanka ahayd sideetamaadkii baadhitaanada ka samaysay deegaanka Hol-hol ayaa la sheegay inay doonayaan inay baadhitaan ku sameeyaan ceelka shidaalka ee Hol-hol, isla markaana hubkaa diyaaradu wadayna ay damacsan yihiin inay isku difaacaan marka ay hawlaha baadhita shidaalka bilaabaan.
Haatuf
so the news says call were between puntland and mayor of lasscound is true
PUNTLAND its time to shine

