Abihii suugaanta RAAGE UGAAS
-
ina aadan
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3629
- Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
- Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso
Abihii suugaanta RAAGE UGAAS
Raage Ugaas ayey gabadhi u doonanayd, gabadhaasoo qurux Illaahay ku manaystay. Raage gabadhu
way madax qaaday, oo aad buu u jeclaa. Waxaa gabadhii loo meheriyay Faarax Wiil-waal. Warkii
markuu Raage soo gaadhay ayuu jiif iyo joogba diiday, kadibna tiriyey gabaygan layidhaahdo Alleyl Dumay.
Xilligaas way adkayd in guur iska daaye lahawaysto gabadh u doonan nin kale khaasatan rag-adagaaga, nin
karmeedka, laqanka ah, haday dhacdana waxaa lafilan jiray halaag, basbeel iyo moore-duug.
Alleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday
Onkad yeedhay uugaama roob, alif banaadiikh ah
Iihdayda bixibaa libaax iman lamoodaaye
Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye
Labadii waxlaga eegijiray waan ka awdnahaye
Halkaan aa ka leeyahay Illaah kaliya uun baa og
Aboodigu malalo garab haduu iin ku leeyahaye
Orod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye
Ma aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taale
Aroos uma galbado nimuu wadnaha arami jiifaaye
Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye
Sidii inan yar oo hooyadeed aakhirow hoyatay
Oo aabeheed aqal midkale meel illina seexshay
Hadba waxaan la urugoonayaa uurkutaalada e
Ninka illo biyaleh soo arkoo ooman baan ahaye (soo maroo, na waa la akhriyey)
Ninka ooridiisii nin kale loo igdhaan ahaye
Nin abkii Ogaadeen yahoo aarsan baan ahaye
Afdhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye
Tuduca ka horeeya midka uu gabaygu ku dhamaado ee ah "Nin abkii Ogaadeen yahoo aarsan baan ahaye"
ayaa xilligii dawladdii ugu dambaysay ee Soomaliya ay uruurinaysay suugaanta Raage Ugaas ayaa loo
badalay "Nin ugaas wallaalkii yahoo eeday baan ahaye." Marka siddaa ula soco haddii ay kuugu muuqato
in gabayga wax laga badalay. Tuduca u dambeeya isna wax baa ka badalan oo sidan ma ahayn asalkiisu
ma hayno asalkii ee nala soo socodsii haddii aad isagoo sax ah hayso.
Raage markuu gabaygaa mariyay, ayuu odaygii gabadha dhalay siin iyo meher isugu daray da'dii ka yarayd
gabadha oo aan ayadu waxba ka liidanin tan weyn. Waatii Soomaalidu tidhi "nin meeli u cadahay meeli
ka madow e" Raage gabadhii waa la'aqal galay, laakiin indhihiisu waa dhaafsanaayeen. Caado waxaa
ahaan jirtay marka gabadh laguursado inay reerkooda ladaganaato sanadka ugu horeeya si loo sidaa
baro maamuuska iyo maamulka reer leeyahay, daraadeed Raage iyo Faarax waxay inalayaal u noqdeen
reerkii ay gabdha kaqabeen. Maalin maalmaha kamid ah ayuu Faarax Wiil-waal haweenaydiisa usheegay
inay sifiican usoo labisato, soona kaxayso walaasheeda ka yar oo ah xaaska Raage, dabadeed ku soo agmaraan
dulleed ka reerka. Faarax intuu u yimid Raage ayuu ku yidhi war inakeen aan kabdhoodka shax kusoo ciyaaree,
kadibna waa laysraacay. Ayagoo shaxaya ayaa dumarkoodii soo kor mareen, dabadeed waxaa la'is waydaarsaday
tixahan halgaada ah:
Faarax:
Geenyada nin lihi qoofashee qollolka meeraysa
Qiyaasli'i ninkii ugu tagow qoomamaa xigiye
Kannaan dagay............................................
Raage:

Manala qoonsanaayaa haday fuulmo nooqabato
Kannaan dagay..............................................
Faarax:
Qumbe subaga oo meel qotoma oo nin lihi quuto
Qooraansigiisaa kuugu daran quud aan lacunaynin
Kanaan dagay..................................................
Raage:
Qumbe malaba oo meel qotoma oo rag wada quuto
Ma nalagu qoonsanaayaa haday gaajo noo qabato

Nin adoogi dhawr qaalin dhalay qolona kaa fiican
Ma lagu qoonsanaayaa haduu gabadhi kaa qaaday
Kanaan dagay...................................................
Raage:
Nin adoogi dhawr qaalin dhalay qolona kaa liidan
Mala qoonsanaayaa haduu rubadda kaa qaado
Raage intuu ablaydii iska gooyey ayuu Faarax laba u kala gooyey, dabadeed gabadhuu jeclaa ee xilaha u ahayd Faarax
ayuu faras kiisa ku ritay, lana tagay oo reerkoodii la aaday. Raage markuu tagay reerkoodii ayuu gabay ugu sheegay
wixii dhacay digniina kusiiyey in waxa uu sameeyay rag badani u gu'i doono. Wuxuuna yidhi:
Qab qab dhaafay waa waxay laba qabiil qaran ku waydaaye
Qaabiilba haabiil intuu qoonsaduu dilaye
Qar hadumo qiyaamana hadhaco qoysna yuu hadhine
Qacda waaga labadeena qolo ha isu qaateene
Walee Faarax qooqaan ku dilay qoomamayn mahayo!

Re: Abihii suugaanta RAAGE UGAAS
Xalay Isniintii Waxa I helay, toban ammuuroode
Asal gama’na ways idihi hurdana, uurka kama seexan
Indhahana makala qaadahayn, aragna way muuqday
Afka kama dhawaaqayn hadana, aamus ma an yeelan
Ogaan uma qoslayn oo hadana, iligyaday muuqday
Aradkana dad kuma weheshanayn, ururna waan joogay
Albaabada bannaan kaan ka jiray, aqalna waan jiifay
Istanbuuli cadar layma marin, udugna way daaray
Oon baa i dilay oo biyaan, ku ag wareegaayay
Onkod iyo hillaac roobna, wuu nagu itaaleeyey
Ufo dhibicdu may wadin hadana, ooduhuu lulayey
Awaartii ma nabin oo hadana, wuu anfacay kaynta
Anfariir xaluunbaan hurdada, oog la soo kacaye
Ilinkaan talaabada ku waday, waan abbaarahaye
Meeshaan abraarada ku tago, aakhir bal aan eegno

Please keep posting, we need to know more about the father of sugaanta Somaliyeed.
No clan talks just the pure history of this man. Thanks.
No clan talks just the pure history of this man. Thanks.
-
ina aadan
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3629
- Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
- Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso
Re: Abihii suugaanta RAAGE UGAAS
Farriin Daahsoon "Raage Ugaas"
Waxaa layiri Raage Ugaas(1) ayaa isagoo dhallinyara ah kategay reerkoodii, wuxuuna u safray quraan dhigasho darteed. Raage oo ahaa nin aftahan ah baa markuu muddo badan reerkoodii ka maqnaa ayaa wuxuu jeclaystay in uu arko cid aabihii uga wargaysa, ugana soo waranta reerkoodii.
Raage oo intuu qur'aanka baranaayay dacdarro ka dergay baa maalintii dambe wuxuu helay niman uu yaqaanno oo u socda dhulkii aabihii Ugaas Xuseyn deggenaa. Markaas ayaa Raage isagoo nimankii farriin faraya wuxuu ku yiri:
-- "Aabahay u sheega inaan shanta salaadood wayso qab ku wada tukado."
Nimankii markay Ugaas Xuseyn oo ahaa Raage aabihii arkeen, farriintii wiilka usoo dhiibayna ay u sheegeen baa Ugaaska isagoo ula jeeddada fahmay ayuu nimankii ka codsaday iney soo maraan goortay dib ugu noqonayaan dhulkoodii.
Nimankii soonoqodkoodii markay Ugaas Xuseyn soo mareen buu wuxuu u dhiibay tabbad (2) subag kabbuuxa iyo hillib shiilan oo weel kale ku jira, tiradooduna soddon cad tahay. Kaddibna wuxuu yiri: -- "Raage gaajo ayuu soo sheegtay intaad cuntadaan ugaysaan, waxaad ku tiraahdaan: -- "Bishu waa soddon Balliguna waa buuxaa."
Nimankii farriinta iyo cuntada qaaday intay sii socdeen bay subaggii iyo hillibkii wax ka cuneen, waxay dhalisay in nimankii markay Raage Ugaas utageen cuntadiina ay siyeen, ka dibna ay u sheegeen farriintii aabihii soo faray ayuu Raage ku yiri namankii: -- "Aabahay wuxuu farriintiisa ku sheegay inuu iisoo dhiibay tabbad subag ah iyo soddon cad oo hilib shiilan ah ee waxaan doonayaa inaad inta aad iga dhumiseen isiisaan."

Raage Ugaas vs Liibaan Jadeer
Wuxuu yiri Liibaan Jadeer:
Hadda Raage oday buu noqdoo ka amar weynaaday.
Ardaydaan ka tagay buu ahaa alif bilowgiiye.
Al-baqrana ma gaadhine hadduu dhigan idaajaaye.
Halka Ina-Jadeer ka unkadaa awrta loo rariye.
Aan ardaayo wada oodanee waa inoo idhanka.
Raage Ugaas ayaa tixdii gaadhay wuxuuna kaga soo jawaabey gabay dheer oon hadda aanu wax yar ka hayno. isagoo Ina Jadeer la hadlahaya.
Raagena Wuxuu Yiri:
Bus xaggaaya jiilaal balyaday qaranka oo biifay.
Barin doog leh nayluhu gugay baqalyo rooraane.
Baakiro tarkeed wow bishaa laba bakuuroode.
Bintadii lahayd dhaan hadday uga buseylayso.
Birisku biyaha ceel ma sido mana baqool daayo.
Baaluqe ismood wiil hadduu buuryo-goys yahaye.
Bisqinbaa nin weyn kugu dirtoon biidna kuu tarine.
Shansho iyo baruuriyo hadduu badhi wan weyn yeesho.
Baraar habartii loog kama baxshoo gowrac kama baajo.
Buulalaydh maraakiibta waa lagu bidhaanshaaye.
Intaan baxar sitiin kula galaan kaaga soo bixiye.
Badda hooy ka joog moolka yaa bahalo jiifaane.
Bi'i waaye Habar Yooniseey baadidaada cesho.

That wasn't Muxumed Liibaan Jadeer who was Habar Awal, that was Xirsi Boqon of the H.Y, the poetic compat that lasted for years was lost by Raage Ugaas. Xirsi Boqon then advanced to Muxumed Liibaan Jadeer the elder master of the genere.
-
Queen_Arawello
- SomaliNet Super

- Posts: 6096
- Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
- Location: Aware and Dhagax-Buur
Re: Abihii suugaanta RAAGE UGAAS
RAAGE UGAAS

-
Queen_Arawello
- SomaliNet Super

- Posts: 6096
- Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
- Location: Aware and Dhagax-Buur
Re: Abihii suugaanta RAAGE UGAAS
RAAGE UGAAS IS WITHOUT DOUBT ONE OF THE GREATEST POETS AFTER SAYID MOHAMED ABDULLE HASSAN..HIS THE ONE THAT CAME UP WITH "hooyalayey hooyaalayey"
sida taariikhda lagu xuso wax gabya oo ugabya sida maanta joogta ee hooyaalaha looyaqaano,ama uugu luuqeeya hooyalayey hooyaalayey waxaa uugu horeeyey RAAGE UGAAS
Re: Abihii suugaanta RAAGE UGAAS
who said he came with the "hoyaalayeey Hoyaalayeey hooy" Xidigta Octobor or Radio Muqdisho?
-
Queen_Arawello
- SomaliNet Super

- Posts: 6096
- Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
- Location: Aware and Dhagax-Buur
Re: Abihii suugaanta RAAGE UGAAS
^^ Don't hate ,congratulate..father of Gabayga Soomaaliyeed --> RAAGE UGAAS invented "hooyalayey hooyaalayey" which is recited the beginning of gabays...all modern abwaans will tell u this...
Re: Abihii suugaanta RAAGE UGAAS
any prove besides asking Daarood Abwaans?
-
Queen_Arawello
- SomaliNet Super

- Posts: 6096
- Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
- Location: Aware and Dhagax-Buur
Re: Abihii suugaanta RAAGE UGAAS
It would be fruitless to continue debating about anything because you are not capable of seeing beyond your tribal scope.XKeyse_ wrote:any prove besides asking Daarood Abwaans?
-
Cumar-Labasuul
- SomaliNet Super

- Posts: 11028
- Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm
Re: Abihii suugaanta RAAGE UGAAS
Abdillahi Suldaan "TImacadde"(AUN) = the greatest somali poet ever 
-
Queen_Arawello
- SomaliNet Super

- Posts: 6096
- Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
- Location: Aware and Dhagax-Buur
Re: Abihii suugaanta RAAGE UGAAS
Cumar-Labasuul wrote:Abdillahi Suldaan "TImacadde"(AUN) = the greatest somali poet ever
Greatest Somali Poets
1. SAYID MOHAMED ABDILLE HASSAN
2. RAAGE UGAAS (lived around 150 years ago)
3. Dhoodaan
4. AW MUUSE ISMAACIIL
5. ISMAIL MIRE (A comrade of Sayidka)
6. SALAAN CARABEY
6. QAMAAN BULXAN
7. CALI DHUUX
8. Muhammad Ibrahim Warsame 'Hadraawi'
9. Elmi Ismail Liban "Bodhari
10. WiilWaal
-
Cumar-Labasuul
- SomaliNet Super

- Posts: 11028
- Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm
Re: Abihii suugaanta RAAGE UGAAS
All if not most of those poets you posted only use to do gabays praising/bashing clans so what is that something to be proud of and as for Hadrawi he is a good song writer he's not that good at gabays when compared to gaariye or cabid qays or hassan ganey.
Laakin Timacadde(AUN) was a great patriot and wadani his greatest gabay and probably the best gabay ever was this:

Dabuubtiisa gabay waan ka tagay, dihashadiisiiye
Dubaaqayga waataan ka jaray, waa fog dabadeede
Shin kastood daleed uga baxdoo, nabar isdiidsiiso
Dibnahaagu shaygay bartaan, waad ku dayataaye
Haddii gole dabbaaldeg iyo farax, loo dalbado maalin
Oo loo duddeeyoo khalqigu, daawasho u joogo
Uu mid aan daryeelini xakame, daamanka u geliyo
Uu duulin orodkuu lahaa, dalacsi siin waayo
Uu cidhibta darrandoorriyuu, duubo madaxiisa
Debcin maayo oo wuxuu ka baqan, inuu ka duulaaye
Haddaad adigu daacuun ku tahay, dooddan iyo baacin
Gacmaha waa ka daayaa ninkii, fuulmo daashadaye
Jeeroon direyska u gashoon, dibeda soo taago
Daleen aniga iigama tagee, waa dig siin jiraye
Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo, diirka uga qaaday
Dadka waxaan ogaysiinayaa, dowgu suu yahaye
Soomaaliday dayaya wanaag, idinka doorsoonye
Docda bari, dorooriga baddiyo, Seylac deriskeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa, wabiga daaciisa
Degmadeena oo idil haddaan, dayey abwaankeeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon, deelka laga waaye
Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye
Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa'in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye
Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa dedaye
Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diinti ka carrowye
Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane
Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga, daacadda Illaahe
Danbarkeedu waa Jahannamiyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Dir dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 2000 Views
-
Last post by shiniile9
-
- 1 Replies
- 2486 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 5 Replies
- 3459 Views
-
Last post by new-york24
-
- 10 Replies
- 1615 Views
-
Last post by new-york24
-
- 11 Replies
- 2436 Views
-
Last post by Cilmiile
-
- 70 Replies
- 12058 Views
-
Last post by Samatr
-
- 9 Replies
- 16304 Views
-
Last post by Faarax-Caytame
-
- 13 Replies
- 51964 Views
-
Last post by Faarax-Caytame
-
- 24 Replies
- 4937 Views
-
Last post by balwarama
-
- 64 Replies
- 6419 Views
-
Last post by Moderately2Wise