Gacan ku Dhiigle Maxamed Siciid Moorgan oo la Filayo in lagu

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Gacan ku Dhiigle Maxamed Siciid Moorgan oo la Filayo in lagu

Post by Siciid85 »

Gacan ku Dhiigle Maxamed Siciid Moorgan oo la Filayo in lagu Dacweeyo Xasuuqii uu u Gaystay Shacabka reer Somaliland


Gacan ku Dhiigle Maxamed Siciid Moorgan oo la Filayo in lagu Dacweeyo Xasuuqii uu u Gaystay Shacabka reer Somaliland


Nairobi (Oodweynenews)- Gacan ku Dhiigle Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) oo ahaan jiray taliyihii qaybtii 26-aad ee ciidamadii Siyaad Barre, isla markaana ahaa Janankii hoggaaminayey duulaankii lagu xasuuqay dadweynihii maatiada ahaa ee reer Somaliland, ayaa la filayaa in dhawaan dacwad ka dhan ah loo gudbiyo dalka Kenya oo uu haatan ku nool yahay.

Sida lagu faafiyey shabakadaha wararka, gaar ahaan Waryatv, waxa Maxamed Xirsi Moorgan loo haystaa dambi uu ka gaystay Somaliland sannadihii u dhexeeyey 1986 ilaa 1988 oo ahaa xiliyadii uu ugu qadhaadha halkanii SNN dalka ku xoraysay.

Maxamed Aamiin oo ka mid ah dadka sida gaarka ah ugu hawlan dacwada loo diyaarinayo Ganaar Maxamed Xisri Moorgan, ayaa warbaahinta u sheegay in Morgan uu dilay aabihii iyo toddoba qof oo kale oo ka tirsanaa qoyskooda, isaga oo xusay in dhawaan maxkamad ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya loo gudbin doono dacawad ka dhan ah Gen.Morgan oo lagu eedayo in uu in badan qirtay in uu ka dambeyay xaquuqii loo gaystay dadkii reer Somaliland ee aan waxba galabsan isaga oo ku doodaya inuu difaacayey dalkii uu ganaraalka u ahaa ee Somaliya

Hore ayuu Ganaraal Morgan u sheegay inuu iska difaacayo, isla markaana aanu wax cabsi ahna ka qabin dembiyada xasuuqa ah ee loo haysto haddii maxkamad la soo taago oo aanu loo yarna u qabsan doonin Melesovich (Madaxweynihii hore ee dalka Yuguslaafiya)

Dacwada la filayo in lagu qaado Moorgan, ayaa ku soo began tahay wakhti lagu guddo jiro dawcada Maxamed Cali Samatar kaga socota maxkamada sare ee dalka Maraykanka, isaga oo loo haysto dambiyo uu ka galay dadka reer Somaliland.

Hadii ay suurto gasho dacwada lagu soo oogayo gacan ku dhiigle Morgan, waxay albaabada u furi doontaa in dacwado lagu soo oogo masuuliyiintii iyo saraakiishi milatariga iyo NSS-ta ee ee u shaqayn jiray dawladii Siyaad Barre.

Jamhuuriya
User avatar
aka-peace-
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 398
Joined: Tue Mar 17, 2009 6:53 pm

Re: Gacan ku Dhiigle Maxamed Siciid Moorgan oo la Filayo in lagu

Post by aka-peace- »

loooooool sheeko
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Gacan ku Dhiigle Maxamed Siciid Moorgan oo la Filayo in lagu

Post by SahanGalbeed »

War dowladda Kenya ayay gacan ku dhiiglayaal maraykan ka loo diiday iney yimadaan ku dhex jiraan e ,maxay ku qaban karaan kuwaasi ?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”