
Berberanews.com-Biyo Guure waxay ka mid tahay goobaha mucjisooyinka ah ee ku yaalla dhulka Somaliland, gaar ahaan dhinaca bari ee magaalada Berbera. biyo Guure waa goob uu ku yaallo tog biyo-mareen d,u dur ah islamarkaana waraabiya Xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera, marka laga yimaado Dubaar iyo Faradeero.

Waa goob uu Ilaahay ku manastay biyo dabiici ah iyo muuqaal bilic leh oo aan la soo koobi karin, waxyaabaha aadka loola yaabo ee Biyo-guure kaga duwanyahay meelaha kale ee biyo-soo-saarka waxaa ka mid ah in biyaha ka soo burqada dooxa Biyo-guure ay guureeyaan oo maraan wakhtiga habeenkii oo keliya, balse xilliyada kale aan lagu arkin wax biyo ah.
news: biyo guure 004.jpg
Dooxa Biyo-guure waxay dawlada Ruushku ka hirgelisay sannadkii 1972kii lix Ceel-biyood oo ay ka soo bixi jireen biyo macaan oo, kuwaasoo ahaa biyaha qudha ee dadka reer Berbera isticmaali jireen xilliyadaas intii aan la helin goobaha kale ee maanta biyuhu ka soo baxaan.
news: biyo guure 008.jpg

"Toga Biyo-guure waa tog weyn oo ka soo rogmada dhulalka taaga ah ee buralayda, islamarkaana ku rogmaa badda, togagaas oo ay maraan biyo dabiici ah ayay dawladii Ruushku dib u habayn ku sammaysay 1972kii, islamarkaana ay biyaha wada gaadhiisay magaalada Berbera, halka biyo saarada Faradeero iyo Dubaar ay ka cabi jireen. Dubaar waxa uu Ruushku ka qoday lix ceel oo ciid badani aastay, laakiin waxaanu ku rajoweynahay inaanu dhawaan u dirno shaqaale ka tirsan wakaallada biyaha oo lagu dayactirayo." sidaa waxa shebekadda Bereranews u sheegay Maareeyaha Wakaallaada Biyaha Berbera Cabdiraxmaan Cartan Geedi.
news: biyo guure 005.jpg
Biyaha ka soo rogmada buuraha ee mara Togga biyo-guure waa biyo diirimaada, iyadoo ay jiraan dadyow caafimaad ahaan u yimaada si ay ugu maydhan diirimaadka biyahaas.
news: biyo guure 019.jpg
La soco Qaybta Labaad oo Xiise badan