Renewed Skirmishes between murtaddeen in mogadishu

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Renewed Skirmishes between murtaddeen in mogadishu

Post by AhlulbaytSoldier »

War Deg Deg: Is Rasaasayn Sababtay Dhimasho oo Al Shabaab iyo Xisbul Islaam Ku Dhexmartay Degmada Wardhiiglay ee Gobolka Banaadir.‏
Inta u dhexaysa Waddada Wadnaha iyo xarunta Shirkadda Nation Link ee Degmada Wardhiiglay ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa galabta qadar kooban is rasaasayni ku dhex martay Ciidamo ka kala tirsan Al shabaab iyo Xisbul Islaam.

Is Rasaasaynta oo socotay qadar daqiiqado ah ayaa waxaa ku geeriyooday qof rayid ah oo Waddada maraayey, iydoo aan wax war ah laga hayn khasaaraha soo kala gaaray kooxaha uu dagaalku dhexmartay ee Al shabaab iyo Xisbul Islaam, Qof dhintay oo ahaa nin Waddada maraayey ayaa waxaa madaxa uga dhacday rasaastii ay is waydaarsanayeen kooxaha dagaalamay.

Is rasaasayntan galabta dhexmarta Al shabaab iyo Xisbul islaam ayaa waxaa ka horaysay is rasaasayn saaka labada dhinac ku dhexmartay aga gaarka saldhigga Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir lamana oga khasaaraha kadhashay iyo waxa keenay intaba.

ILaa iyo iminka majiraan wax masuuliyiin ah oo ka hadashay is rasaasaynta dhexmartay Al shabaab iyo Xisbul Islaam waxayna kusoo aaday xilli ay maal mahii lasoo dhaafay Al shabaab ay Xisbul Islaam kala wareegeen goobo badan oo ay horay u maal muli jireen Xisbigu kadib markii ay ku biireen maamuladii iyo Ciidamadi halkaasi uga dhisnaa Xisbiga.

Deegaano ay kamid tahay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan iyo sido kale Deegaano kale oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya ayaa maamuladii Xisbul Islaam halkaasi uga dhisnaa waxa ay si toos ugu biireen Al shabaab.

Marka laga soo tago ku biiritaanka maamulada Xisbul Islaam ee Al shabaab ayaa horay waxaa u jiray dagaallo qaraar oo labada dhinac ku dhexmaray Gobolada Jubbooyinka kuwaasi oo ka bilowday xarunta Gobolka ee Kismaayo isla markaana sababay in Xisbul Islaam lagala wareego guud ahaanba Gobolka Jubbada Hoose.

Is rasaasaynta labada dhinac ee Al shabaab iyo Xisbul Islaam ku dhexmartay Magaalada Muqdisho iyo ku biiritaan qaar kamid ah maamuladii Xisbul Islaam ee Shabaabka ku biiray ayaa waxa ay kusoo aadeen xilli uu maanta afhayeenka Wasaaradda warfaafinta ee Dawladda KMG ah Shiikh C/risaaq Qaylow uu shaciyey in ay wada hadal kula jiraan Xisbul Islaam si ay Dawladda ugu biiraan inta hartay.

Sikastaba lama oga meesha ay ku dambayndoonto xaaladda labada dinac ee Al shabaab iyo Xisbu Islaam oo markii ka midaysnaa dagaalka ay kula jiraan Dawladda KMG ah iyo Ciidamada Amisom ee kusugan Magaalada Muqdisho.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”