Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Oo Gaaray Gobolka Sanaag

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Oo Gaaray Gobolka Sanaag

Post by FBISOMALIA »

Sanaag(Puntlandi.com);- Wafidi balaaran uu hogaaminayo Wasiirka arimaha gudaha iyo Dawladaha hoose Puntland Gen.C/laahi Axmad Ilkajiir ayaa gaaray deegaano katirsan Gobolada Sanaag iyo Hayland.

Wasiirka waxaa wehliya wasiir ku xigeenka maaliyada Puntland wasiir xigeenka Dekedaha iyo saraakiil katirsan madaxtooyada waxaana loo sameeyay soo dhawayn aad ubalaaran.

Caaqil C/laahi Cabdi Ibraahim ayaa sheegay in ujeedada wafdigan deegaanadan u soo gaareen ay salka ku hayso sidii mamul rasmiya uga hirgaliyaan deegaanada.

Caaqilka ayaa sheegay in haatan wafdiga wadaan kulamo kala gooni gooniya kuwaa oo ay layeelanayaan bulshada qaybaheeda kala duwan kuwaa oo laga la arinsanayo habka mamulka loo dhisyo iyo cida talada loo dhiibayo.

Waxaa uu sheegay in deegaanada muda dheer uu kajiray mamul fadhiida dawladana muda badan sheegtay in mamul ay usamaynayo haatana wafdigan arintaa u yimaadeen.

Caqilka ayaa intaa ku daray in masuuliyiinta Puntland booqan doonaan deegaanada Gobolka una kuur galidoonaan xaalada Gobolka iyo Nolasha dadka.

Wafdigan aya ah kii uga baaxada waynaa ee Goboladaas booqda kuwaa oo utaga mamul usamayn.
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Oo Gaaray Gobolka Sanaa

Post by FBISOMALIA »

Wasiiro ka Socda Puntland oo Maamul Fidin ka Wada Deegaano ka Tirsan Bariga Sanaag

Baran(Qaran news)-Xubno ka tirsan Goleyaasha Maamul-goboleedka Majeerteeniya, ayaa Shalay Booqasho ku yimi degaano ka tirsan Gobolka Sanaag, kuwaasoo siday Wargeyska Yool u sheegeen dad deegaankaa ku sugan ujeedada socdaalkooda ku micneeyey mid ku saabsan kor u qaadista awooda Maamulka Puntland ee deegaanadaas & samaynta Gole-yaal deegaan oo loo sameeyo deegaanadaasi.

Xubnaha wefdiga oo ay hor kacayeen Wasiirka Arimaha Gudaha, Dawladaha Hoose, Hormarinta reer miyiga Puntland Jen, Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilko-jiir) iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland Siciid Xassan Shire, ayaa waxa wararku intaa ku dareen in markii ay deegaanadaa soo gaadheen in si diiran ay u soo dhoweeyeyn dadkii halkaa ku sugnaa.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dawlada Puntland Siciid Xasan Shire oo ay la socdaan xubno ka tirsan golayaasha kala duwan ee dawlada Puntland ayaa shacabka reer Dhahar meel fagaare ah kula hadlay, ayaa waxa uu sheegey inay dhamaystirayaan maamulka heer gobol & kan degmo ee gobolkaas oo mudo badan qabyo ahaa,waxaana uu Wasiirku sheegey in ay doonayaan in bulshada ay la shaqayso si ay uga guul gaaraan howlaha ay u socdaan.

Dhanka kale Wasiirka Arimaha Gudaha,Dawladaha Hoose iyo Hor’umarinta reer miyiga dawlada Puntland Jen,Cabdullaahi Axmed Jamaac (Ilko-jiir) oo isna shalay subax gaadhay degmada Baran ee gobolka Sanaag, islamarkaasna ay la socdaan Wasiiru-Dawlaha Amniga ee Madaxtooyada Puntland iyo Wasiir kuxigeenada Wasaaradaha Maaliyada & Dekedaha ayaa isna kulamo la yeehsy dadweynaha ku dhaqan Degmada Dhahar.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”