
Garoowe:-Maxkamada Ciidanka Puntland ayaa maanta xukun kala duwan ku riddey 3 Askari oo tirsan Ciidanka Puntland kuwaas lagu heley dambiyo kala duwan oo isugujira Kufsi, lunsasho qori iyo shaqo gudasho la’aan. Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Ciidanka Puntland Cabdikariin Xasan Firdhiye ayaa waxa uu sharaxey magacyada Askarta, meelaha ay ka tirsan yihiin, dambiyada ay geleen iyo waliba inta lagu kala xukumey.
Maxamuud Cabdiraxmaan ciusmaan Boolis ka tirsan Saldhiga dhexe ee Garoowe waxaa lagu helay Kufsi waxaa lagu xukumey 7 sano oo xarig ah.
Axmed Daahir Buraale oo ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaa Saldhiga dhexe ee Garoowe waxaa lagu heley shaqo gudasho la’aan waxaa lagu xukumey 2 sano oo xarig ah.
Aadan Cabdilaahi Guuleed Askari ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland waxaana lagu soo eedeeyay in uu gatey qori ay Dawladdu leedahay waxaana lagu xukumey 1 sano oo xarig ah.
Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Ciidanka Cabdikariim waxa sheegay in baaritaan dheer la sameeyay oo la xaqiijiyay in dhamaman Askartan ay galeen dambiyada lagu xukumey.
