Taliyaha Booliska Gobolka Gabiley oo Xilkii laga Qaaday

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Taliyaha Booliska Gobolka Gabiley oo Xilkii laga Qaaday

Post by Siciid85 »

Taliyaha Booliska Gobolka Gabiley oo Xilkii laga Qaaday loona Beddelay Gobolka Sool iyo Dareenka ku Xeeran Arintaasi.




Maamulka Gobolka ayaa maalmahanba eeda arintaasi dusha ka saarayay Ciidanka Booliska

Hargeisa (Gabiley News)- Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Gabiley Gen.Maxamed Faarax Nuur ayaa manta xilkii laga Qaaday loona badalay in uu noqdo Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Sool.

Warkan oo illaa shalay dadwaynaha Gobolka Gabiley aad u hadal hayaan ayaa la sheegay in uu la xidhiidho Hawl galo lagu doonayay in lagu qabqabto masuuliyiin Hanti dhawrku baadhis ku hayay oo Gabiley ku sugnaa, kuwaasi oo la sheegay inay baxsadeen.

Maamulka Gobolka ayaa maalmahanba eeda arintaasi dusha ka saarayay Ciidanka Booliska in ay ka gaabiyeen qabashadda ragaasi.
Taliyaha Booliska ee Xilka laga qaaday Maxamed Faarax oo Gabiley News Khadka Telephone-ka kula xidhiidhay ayaa sheegay in ay jirto arintaasi loona keenay taarka beddel-ka ah loona beddalay Gobolka Sool.
Taliyaha oo aanu wax ka waydiinay eedayn loo soo jeedinayo inay ka gaabiyeen qabashadda ragii hantidhawrku baadhista ku hayay oo la sheegay inay baxsadeen ayaa waxa uu sheegay inay in ka hor intii aan waaranku soo gaadhin ciidanka Booliska ay so xaqijiyen Ragii la doonayay in la qabqabto ka dibna ay baxsadeen isaga oo xusay in Galinkii horeba sheekadu suuqa ku jirtay balse waaranku afartii galabnimo soo gaadhay, hawshoodana guteen oo ay sameeyeen hawl gal ciidan oo lagu baadi goobayo nimankaasi.

Taliye maxamed Faarax ayaa sheegay Ciidanku Guteen Waajibaadkooda shaqo ee arintaasi balse ay jirtay siyaasad kale oo uu maamulka Gabiley ka lahaa arintaasi, taasi uu xusay inay badalkiisa dabada ka riixayaan Maamulka Gobolku.

Badalka Taliyaha Ciidanka Booliska Gabiley ayaa ku soo beegmay Wakhti ay Xaaladda Gobolku aad u liidato, Khilaaf Xooganna hadheeyay Maamulka Gobolka iyo Maamulka Dawlada Hoose ee Gabiley, kuwaasi oo maalmihii ugu danbeeyay aad looga dareemayo Gobolka Gabiley


Dawladda Dhexe ayaan illaa hadda ka hadal khilaafka Gobolka ka taagan iyo Ismaandhaafka maamul ee masuuliyiinta ka dhexeeya taasi oo Ragaadin karta, dhibaatona soo gaadhsiin karta habsami u socodkii hawlihii qaranka loo hayay.

Xukuumadda Cusub ee kulmiye ayaa lagu eedeeyaa inay ka dhaga adaygto khilaafyadda maamul ee ka dhaca Gobolka Gabiley, gacanta ugu wayna ay kula jiraan Arimaha Khilaafka keenay, iyadda oo ay markhaati ka tahay kala jabka dumarkii Xisbiga kulmiye oo laba urur kala samaystay Xalkooda illaa hadda la gaadhi laayahay.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”