W.Caafimaadka Pland Isbitaalka Garowe booqdey

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

W.Caafimaadka Pland Isbitaalka Garowe booqdey

Post by FBISOMALIA »

Image

Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa maantey booqdey Isbitaalka guud ee caasimada Puntland ee Garowe kadib safar uu in mudo ah dalka uga maqnaa wasiirku. Dr. Cali C/laahi Warsame waxa uu la kulmay maamulka, dhakhaatiirta iyo shaqaalaha Isbitaalka guud ee Garowe iyadoo looga xog waramayay xaalada Isbitaalku uu ku sugan yahay.

Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Garowe Dr.Cismaan Xaaji Yuusuf ayaa ugu horeyn wasiirka uga warbixiyey xaaladaha Isbitaalka bilihii ugu danbeeyey ayna shaqadu u socoto si habsami leh. Dr. Cismaan Xaaji Maxamuud waxa uu u sheegay Wasiirka Caafimaadka Puntland in Isbitaalku uu labadii bilood ee u danbaysay uu la tacaalayay wax u qabashada caruurihii ay soo riteen cudurada Jadeecada iyo Shuban biyoodka kuwaas oo ka dilaacay magaalada Garowe iyo deegaano ka tirsan Gobalada Nugaal iyo Sool kuwaas oo loosoo gudbiyey Isbitaalka Garowe, Isbitaalku waxa uu samatabixiyey wixii bukaan ahaa ee lasoo gaarsiiyey ee shubanka iyo Jadeecadu ay soo riteen sida uu sheegay agaasimaha ku xigeenka Isbitaalka

Agaasime ku xigeenku waxa uu sidoo kale sheegay in Isbitaalka ay ku sugan yihiin caruuro nafaqo daro ay ku dhacday kuwaas oo u badan caruuraha kaamamka Barakacayaasha laga keeno iyo kuwo laga keenay miyiga.

Dhanka Kale waxa uu Cismaan Xaaji Yuusuf sheegay in bishii June iyo horaanta bishan Julya in Isbitaalka ay ku sugnaayeen dhakhaatiir ka socotey hay’ada ICRC kuwaas oo tabobaro u waday dhakhaatiir Soomaali ah oo gobalada dalka Soomaaliya laga kala keenay kuwaas oo tababarkooda laga faa’idaystay sidoo kalena caawinayay wixii qaliimo fudfud ah oo marka ay Isbitaalka joogaan lasoo gaarsiiyo.

Waqtigan waxa uu sheegay inay asbuuc fasax ah ku jiraan ayna dib ugu soo noqon doonaan Isbitaalka ilaa ay ka dhamaystiraan heshiiskii wasaaraddu ay la gaartey ee ay dhakhaatiirta ku tabobarayeen.

Caqabaha Isbitaalka soo wajahay mar uu ka hadlayay waxa uu agaasime ku xigeenku sheegay in Isbitaalka ay gacanta ku haysay oo ay mushaaraadka iyo daawada wax ka bixin jirtey hay’adda CCM-Italy taasi oo uu sheegay in mashruucii uu ka dhamaadey bishii June kadibna ay u sheegeen inay qorshe kale raadinayaan balse aysan wali wax jawaab ah kusoo celin Isbitaalka Garowe.

Hay’addan ayuu agaasime ku xigeenku sheegay inay lafdhabar u ahayd Isbitaalka sida mushaaraadka shaqaalaha iyo daawooyinka,Dadkii jadeecada iyo shuban biyoodku soo riteen waxa uu sheegay in daawooyinka lagu samatabixiyey ay qayb weyn ku lahayd hay’adda CCM-Italy iyo waliba wasaaradda Caafimaadka oo iyaduna daawo siisa Isbitaalka.

Madaxa Maamulka Isbitaalka Iimaan Cali ayaa isaguna waxa uu warbixinta Isbitaalka ku darey inay Isbitaalka qaybtiisa gargaarka deg deg ah inay waasiciyeen shaqaduna ay socoto sidoo kalena ay dhamaystireen hoolkii Isbitaalka ee loogu talagalay in lagu shiro.

Dr. Shahaado oo ka mid ah dhakhaatiirta qaliinka ee Isbitaalka Garowe ayaa isaguna dhaliil usoo jeediyey maamulka Isbitaalka oo uu ku eedeeyey inaysan lasocodsiin xogta Isbitaalka ayna hawlaha si kadis ah ku qabtaan iyagoo aan wax war ah u haynin.

Dr. C/raxmaan Xuseen oo ka mid ah dhakhaatiirta Isbitaalka ayaa isaguna sheegay in Isbitaalku uu meeshii ugu fiicnayd marayo wax walbana ay si wanaag ah ugu socdaan wallow uu sheegay in dhakhaatiirtu ku yartahay hadana waxa uu carabka ku dhuftey in dhakhaatiirta joogta, maamulka iyo shaqaaluhuba aysan hagran shaqada ay umada u hayaan taasna ay keentey in Isbitaalku uu badbaadiyo wixii bukaan ahaa ee Jadeecada iyo Shubanku ay soo riteen ee la keenay Isbitaalka.

Dhamaan madax qaybeedyada Isbitaalka ayaa iyaguna ka warbixiyey shaqooyinka qaybahooda iyo sida ay dadka u saacidaan uguna fidiyaan gargaarka.

Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame oo markii uu warbixinta ka dhagaystey maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaalka ka waramay safaradiisii dibada iyo waxyaabihii uu kala soo kulmay ayaa ugu horeyn waxa uu wasiirku bogaadiyey shaqada baahsan ee Isbitaalka ka socota iyo sida ay isula shaqeynayaan dhamaan hawlwadeenada Isbitaalka.

Dhaliilaha lasoo jeediyey maamulka ayuu wasiirku sheegay inay ka mid tahay hormarka oo dhaliishu ay tahay tan wax lagu saxayo balse aysan ahayn mid wax gaarsiinaysa Isbitaalka iyo habsami u socodka shaqadiisa.

Safarkiisii dibada ayaa wasiirku sheegay inuu soo maray Geneva iyo Nairobi oo uu kaga qaybgalay shirar heer caalami ah oo ku saabsan Caafimaadka oo ay dowlada Puntland doorkeeda ka qaadatey. Shirarkaas waxa uu wasiirku sheegay inay waxyaabo badan kasoo baxeen oo ku saabsan Caafimaadka Soomaaliya gaar ahaan Puntland ayna filayaan inay wax iska badalaan qaababkii hore ee Soomaalida lagula dhaqmi jirey hadana laga siiyey qaybtooda inay fikirkooda iyo baahiyahooda soo gudbiyaan oo la dhagaysto ayan qorshayaasha wax ka dajiyaan.

CCM Italy oo gacanta ku haysay Isbitaalka waxa uu wasiirku sheegay inay la socdaan hakadka ku yimid balse waxa uu rajo ka muujiyey inay soo noqonayso ayna kula soo kulmeen Nairobi. Daawooyinka Isbitaalka la siiyey sanadkan ayaa wasiirka Caafimaadku waxa uu sheegay inay badan tahay waxaana uu ka codsaday maamulka Isbitaalka inay dhaqaaleeyaan dadkana ay ugu gargaaraan.

Mar uu wasiirku ka hadlayay dhanka qalabka waxa uu sheegay inay soo dhawdahay rajo ay ka qabaan Islamic Bank oo ogolaadey inay qalabeeyaan afar Isbitaal oo ka mid ah Isbitaalada Puntland sida Boosaaso, Qardho, Garowe iyo Gaalkacyo.

Sanad iyo bar ayaa wasiirku sheegay inay daba joogeen codsiga ay u gudbiyeen Islamic Bank hadana ay rajadu dhawdahay ayna ogolaadeen lana sugayo in qalabkii lasoo iibsho.

Markii uu wasiirkku ka warbixiyey inta badan safarkiisii iyo hawlaha Wasaaradda ee aan dadaalkoodu yareyn waxa uu kusoo wareegay qaybaha Isbitaalka, qaybta caruurta ayaa wasiirku waxa uu ku jirey in door ah halkaasi oo uu ku booqdey caruur da’doodu ka yartahay 5 sano oo nafaqo daro haysay balse hada kasoo kabanaya kadib markii ay heleen daawo iyo nafaqo siin Isbitaalku siiyey.

Dr. Cali C/laahi Warsame waxa uu waraystey hooyooyinka dhalay caruuraha nafaqo daradu ku dhacday isagoo waydiiyey halka ay ka yimaadeen iyo adeega Isbitaalku uusiiyey in loo hagar baxay iyo in kale, hooyooyinka uu wasiirku su’aalaha waydiiyey waxa ay sheegeen in dadaalkii ugu badnaa lasiiyey caruurtooda hadana ay yihiin bukaano soo kabanaya, hooyo ka mid ah kuwa uu wasiirku su’aalaha waydiiyey waxa ay u sheegtey inay kala duwan yihiin manta iyo maalinkii ay ilmaha keentey Isbitaalka markaas oo ay rajo gab ka ahayd cunugeeda balse lala tacaalay hadana uu soo kabtey cayaarna uu ku jiro iyo damaashaad iyaduna ay la wadaagto farxada iyo cayaarta cunugeedu uu bilaabay 14 kadibmarkii ay Isbitaalka kula jirtey.

Wasiirka Caafimaadka ee dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame waxa uu sheegay in heerka nafaqo darada caruurta Xeryaha barakacayaasha ay aad u sarayso ayna tahay in wax laga qabto cid walba oo kaalin ka gaysan karta sida hay’adaha samafalka.

Qaybta Caruurta ee Isbitaalka Garowe waxa ku jirey caruur ka badan 15 oo nafaqo daro u jiifay sidoo kale maamulka Isbitaalku waxa uu sheegay inay kuwo badan daweeyeen kadibna ay xaafadahoodii ku noqdeen kadib markii ay heleen adeeg caafimaad oo dhamaystiran,Waxaana maamulka Isbitaalku uu ka codsaday shacabka inay qofka marka uu xanuusado ay xarumaha Caafimaadka lasoo aadaan halka ay ka keenayaan qofkii oo xaaladiisu khatar gashay in wax laga qabtana ay gaarto 50%.

Guud ahaan isbitaalka waxaa ka socotey hawlo shaqo oo baaxad leh, Isbitaalka oo ka kooban qaybo badan waxa wada jiifa bukaano waxaana waqtiga uu wasiirku booqdey oo ahayd aroor si wanaagsan u wada shaqeynayay dhamaan qaybaha Isbitaalka guud ee Garowe.


Cabdulqaadir Warsame Yuusuf
Madaxa Warfaafinta iyo Wacyigalinta
Wasaaradda Caafimaadka Puntland
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”