Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo soo dhoweeyay doorashadii Shariif Xasan
by A M | Tuesday, Nov 18, 2014 | 3730 views

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay Xukuumadu ay soo dhoweyneyso doorashada Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, isagoo bogaadiyay in howl muddo dheer loo fadhiyay ay ka soo baxeen miro wanaagsan.
“Xukuumad ahaan aad iyo aad ugu faraxsanahay una soo dhoweyneynaa in shaqo muddo dheer loo fadhiyay inay soo gaba gabowdo oo shacabka saddexda Gobol ay ugu dambeyntii ay yeesheen Maamul”ayuu yiri Wasiir Goodax oo wareysi siiyay Idaacada VOA.
Wasiir Goodax ayaa ugu hambalyeeyay Shariif Xasan doorashada uu ku guuleystay, isagoo ku tilmaamay nin siyaasi ah oo muddo dheer siyaasada ku soo jiray, isla markaana uu aaminsan yahay inuu wax badan ka qaban karo xaalada goboladaas.
Mar la weydiiyay in go’aan Madaxda dowladda Soomaaliya horay uga soo saareen shirkaas in la hakiyo ayuu xusay in markii hore la damacsanaa in shirka la hakiyo, maadaama cabsi laga qabay in siyaasada xamar ka jirto ay saameyn ku yeelato.
“Shalay markii la damacsanaa in la joojiyo cabsi waxaa ka qabnay in siyaasada xamar inay saameyn ku yeelato, hadii ay howsha fududeeyeen sabab aan u dhahno lama aqoonsanaayo meesha kuma jirto”ayuu yiri Goodax.
Sidoo kale mar la weydiiyay in hadalkan ay Xukuumada oo dhan la qabto ayuu sheegay in ka wasaarad ahaan iyo ka xukuumad ahaanba ay soo dhoweynayaan maamulka lagu doortay magaalada Baydhabo ee Koofur Galbeed.
Lama oga go’aanka ka soo bixi kara Ra’iisul Wasaaraha, waxaase la hadal hayaa in Ra’iisul Wasaaruhu uu qaban doono shir jaraa’id oo uu uga hadli doono xaaladaha ka jira dalka oo ay ku jirto doorashadii shalay ka dhacday Baydhabo.


