Boosaaso oo bandow lagu soo rogay iyo taliyihii ciidanka boo

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Boosaaso oo bandow lagu soo rogay iyo taliyihii ciidanka boo

Post by Hiiraan boy »

Boosaaso oo bandow lagu soo rogay iyo taliyihii ciidanka booliska ee qeybta bari oo shaqadii isaga tegay

Taliyaha ciidanka booliska ee magaalada Boosaaso Gaashaanle Maxamed Cabdulle Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa daboolka ka qaaday in wixii ka dambeeya caawa 9:00-ka fiidnimo bandow lagu soo rogay magaaladaasi, ka dib markii dilal iyo falal amaan daro ah ay maalmihii la soo dhaafay ka dhaceen halkaasi, kuwaasoo khal-khal geliyey xasiloonidii magaalada Boosaaso.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in ciidamada booliska ee magaalada Boosaaso amar lagu siiyey iney u howlgalaan hirgelinta bandowgaasi oo taliyuhu uusan sheegin xiliga uu ku’eg yahay, waxaana bandowgan uu saameyn ku yeelan doonaa ganacsiga xiliga habeenkii ee magaalada Boosaaso sida goobaha laga cunteeyo iyo meelaha kale ee loo dukaameysi tago.

Dhinaca kale, taliyihii ciidanka booliska Qeybta Bari ee maamulka Puntland G/Sare Cabdi Cali Nuur ayaa xilkiisii iska casilay ka dib marki sida uu sheegay maamulka Puntland uu ka waayey iney wax ka qabtaan baahiyo badan iyo tas’hiilaad xumo ciidanka heysta, kuwaasoo uu sheegay markii la waayey ay keeneen dilalka iyo falalka amaan darada ah ee dhowaanahan ka dhacayay magaalada Boosaaso.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”