Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Juun 20026

Juun 2002 Articles

Fanka iyo Suugaanta - Sheeko Taxane ah: Alla ma Iyadiibaa Alla ma Isagiibaa?
2002-06-01 00:55:53 - Ahmed oo aad mooddo Sagaaro libaax ka hor booday, ayaa markiiba dhinicii waddada isu rogay ama u jeestay si uu u daawado magaalada.Waxay socdaanba waxa loo soo dhawaaday Dooxii Hargaysa,oo biyo badani ka durdurayaan, saxansaxo udgoona ka ifayso, iyo waliba shimbiro aad u cod macaan ka dul heesayaan, Balanbaaliso qurxoona ku dul haabayaan.
Arrimaha Bulshada - Dhacdo Run ah: Qabiil ayaa dumiyay qoyskaygii
2002-06-01 00:52:21 - Qaybtii 3aad - Markii aan intaa iri ayuu Muqtaar farxad darteed is heyn kari waayey, wuxuuna isaga oo faraxsan igu yiri maanta wey iiga duwan tahay maalmaha waayo intii aanu dhameystirin hadalkii ayaan anigu kala hormaray waxaan weydiiyey sababta ay maanta uga duwan tahay maalmaha kale.
Maxaa ku Cusub Magazine-ka? Waydiin, Warcelin iyo Ila tali
2002-06-01 00:49:17 - Bishii May markii aan magazine-ka ku soo darnay qaybta waydiin iyo warceli ayaa waxaa dad badan noo soo jeediyeen in lagu daro qayb ila tali, isla markaas waxaan helnay dhawr e-mail oo dad ay doonayaan in arrin lagala taliyo, sidaas ayaa ugu soo darnay qaybtaan iyo waliba annaga oo la xiriirnay dad khibrad iyo aqoon u leh nolosha.
Taariikhda - Mataano la Ilaaway!
2002-06-01 00:46:42 - Bishan June ee aynu ku jirno iyo tan xigto ee July waxaa ku jira labada maalmood oo taariikhda ummadda Soomaaliyeed baal dahab kaga jira laguna xusuuto jiritaanka iyo taariikhda xoriyadda Soomaaliyeed.
Diinta - 70-ka danbi oo ugu waaweyn (Al-kabair)
2002-06-01 00:43:35 - Danbiga 5aad: Zakada oo aan la bixin. Sidaan la socono Zakadu waa tiir ka mid ah tiirarka Islaamka. Haddii qof Muslim ahi uu rumeeyo in aan Zakadu waajib ahayn waa gaaloobayaa qofkaasi, waayo wuxuu beeniyay arrin uu Ilaahay dadka ku waajibayay.
Ila Tali
2002-06-01 00:41:04 - Idinka oo mahadsan maxaad igula talin lahaydeen. Waxaan ahay Gabar Soomaaliyeed, ku nool Yurub, waxaan internetka ka bartay wiil ku nool Canada, muddo ayaan waxaan is dhaafsanaynay e-maiilo iyo Telfoono.
Dhaqanka - Geedka la fariisto oo garta lagu qaado
2002-06-01 00:30:47 - Geedka la fariisto waa geed har weyn leh oo aan qorrax, qodax iyo qaniinyo toonna laheyn. Geedaha qaar bey xooluhu ku harsadaan. Halkaas waxaa ka abuurma cayayaan ka dhasha digada xoolaha oo uu kudkuduhu ka mid yahay.
Qurbaha - Xaaladda dhaqaale ee Soomaalida Maraykanka
2002-06-01 00:28:35 - Labadii sano ee ugu dambaysay ayaa guud ahaanba dhaqaalaha Maraykanku sii xumaanayay. Markii dhaqaalaha waddanku hoos u dhaco waxaa yaraada shaqooyinka waxaana sare u kaca qiimaha badeecadda. Markii shaqooyinku yaraadaanna dadka dhibaatadu isla markiiba saamayso waa Qaxootiga iyo dadka kale oo aan xirfado heer sare ah lahayn ama aan lahayn waxbarasho heer jaamicadeed ah. Soomaalidii Maraykanka intoodii shaqaynaysay ayaa isla markiiba laga cayriyey ama ay ka dhammaadeen shaqooyinkoodii.
Taariikhda - Dagaalkii Soomaaliya Iyo Ethiopia (1977)
2002-06-01 00:23:44 - Qaybtii 5aad - Dowladda Itoobiya waxaa ay la socotey diyaargarowga ciidameed iyo duullaanka ay soomaalidu damacsan yihiin. Meelo badan ayey wararka ka heli jireen, Waxaana ka mid ahaa shabakadaha jawaasiista ah oo soomaaliya gudaheeda uga shaqeynayey.
Caafimaadka - Hees: Nuujiya Carruurta
2002-06-01 00:17:46 - Takhaatirtu markasta waxa ay hooyooyinka ku dhiiro galiyaan in ay carruurta naasaha nuujiyaan. Diinteena Islaamkuna sidaas ayay ina faraysaa. Faaiidooyin aad u fara badan ayaa carruurtu ka helaan caanaha hooyada. Haddii aan la nuujinna waxa ay halis u yihiin in cudurro badani ku dhacaan.

Back to News Archive Categories