Febraayo 20022
Febraayo 2002 Articles
Cayaaraha - Faransiisku ma Difaacan doonaa Koobka Adduunka?
2002-02-01 02:09:41 -

Tartankii koobka kubbadda cagta ee dunida ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah uga furmo 31-ka May 2002da Magaala Seoul ee caasimadda Kuuriyada koonfureed iyada oo ciyaarta ugu horreysa ay isku haleeli doonaan kooxaha faransiiska oo ah dalka haysta horyaalnimada koobka dunida iyo Senigaal oo iyadu ah markii ugu horreysay oo ay u soo baxaan tartanka ciyaaraha adduunka.
Caafimaadka - Qofku xaq ma u leeyahay inuu is dilo?
2002-02-01 01:50:49 -
Waayadaan dambe adduunka waxaa ka jiray dood dheer oo ku saabsan sidii laga yeeli lahaa dadka jecel inay iskood isu dilaan Suicide. Waddammo badan oo reer galbeed ah waxaa qofku xaq u leeyahay inuu is dilo haddii uu isagu o goaansado. Laakiin waxaa dambi ah ama aan sharcigu ogolayn inuu qofka isdilayaa uu caawimaad ka helo qof kale. Dalka Ingiriiska haweeney u dhalatay oo Magaceeda la yiraahdo Dianne Pretty oo cudur ku dhacay dartiis la curyaantay ayaa waxa ay jeclaysatay inay is disho.
Siyaasada - Allow Ur U Bixi
2002-02-01 01:46:15 -
Sida umadaha kaleba, dadka Somaaliyeed xagga nolosha waxay soo mareen dhawr marxaladood oo aad u adkaa, mar baa jirtay dadku reer guuraa u badnaa noloshuna ku dhisnayd halgan iyo dadaal. Ninka xoogga ahi sabab laaan maalintii meel iskama seexan jirin
Fanka iyo Suugaanta - Qaybaha Suugaanta Soomaalida
2002-02-01 01:19:12 -
Sida aynu ogsoonnahay ummad walba oo af , dhaqan iyo hiddo wadaag ahi waxay leeyihiin murti iyo sugaaan u gaar ah oo ay higsadaan. Halabuurayaasha murtida Ilaah ku maneeystay waxaa la ogsoon yahay inay door weyn ka ciyaaraan wax ka badalka wacayiga ummada, hadday noqon lahayd mid Dagaal, Nabad, Naceeyb, iyo Jacaylba.
Fanka iyo Suugaanta - Sheeko Taxane ah: Kulankii Barakaysnaa
2002-02-01 00:41:42 -
Horudhac: Qaybtii kowaad waxaan la soconay Faysal iyo Ayaan oo war iska helay, kaddib markii ay dhawr iyo toban sano kala maqnaayeen. Mid waliba kan kale waa ku fakari jiray, waana uu jeclaa inuu maqlo xaaladda uu ku sugan yahay. Faysal oo telefoon u diray Ayaan, farxad daraadeed ayay la hadli wayday, cinwaankiisa ayuu u qoray, kadibna waraaq ayay u soo diratay ay ugu sheegayso dareenkeeda iyo inuu ka sugo waraaq kale oo ay ku soo siin doonto cinwaan uu waraaqaha ugu soo diri doono.
Dhaqanka- Qaybtii 2aad
2002-02-01 00:31:09 -
Dumarku waxay ahaayeen dabaqadda ugu xushmadda weyn bulshada Biri ma-geydada ah. Soomaalida reer guuraaga ah waxay lahaayeen dhaqan adag iyo xeer aan laga tallaabsan oo ilaaliya sharafta gabadha reer miyiga ah. Xeerkaasi wuxuu gaarsiisnaa in ninka xaaskiisa u gacan qaada, la oran jirey Xilo-gube, gogoshiisana fadhi ma laheyn. Sheekooyinka Wiil-waal oo ay soomaalidu isu weriyaan waxaa ka mid ah mar ay odayaal beeshiisa ah inta u yimaadeen isaga oo hurda ay ka xishoodeen in ay kiciyaan
Back to News Archive Categories