Saylada burco oo ay buux dhaafiyeen xoolaha ka imanaya 5ta s

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Saylada burco oo ay buux dhaafiyeen xoolaha ka imanaya 5ta s

Post by Ducaysane_87 »

Sayladda magaalada Burco ayaa todobaadkii u danbeeyay la ciirciiraysay Xoolaha ka kala imanaya gobolada Somaliya, Puntland, Kililka Shanaad ee Itoobiya iyo kuwa ka yimaada gobolda Somaliland ee dhinaca Bari.


Sayladda Burco oo ah Saylada ugu weyn sayladaha Somaliland oo suuqeedu xaami-noqoay muddadii ka dambaysay xilligii ay dawlada sucuudigu xayiraada ka qaaday xoolaha Somaliland iyo kuwa Somaliyaba, iyo bishii Arafo oo bilaabanaysa ayaa waxa buux dhaafiyay Saylada Xoolo badan oo ka kala yimi jahooyin kala duwan. Waxa sidoo kale u shaqo-tagay Kumanaan Qof, Gaadiid fara badan oo ah noocyada xoolaha qaada iyo kuwa keenay Adhiga.

Xoolahan tirada badan ee buuxiyay Saylada Burco oo isugu jira Wanan iyo Orgac. Wariyaha Ramaasnews ee Burco Mahad C/laahi Faarax Booqasho uu ku tagay Saylada Burco waxa uu idhihiisa ku arkay, inay adhigaas si weyn u gadanayeen Shirkaddaha Indhadeero, Aadan Baradho, Ina Quule iyo Jeeblayaal tiro beelay, kuwaas oo dhamaantood xoolaha ka iibsanaayay noocyadooda kala duwan ,Yaryarka iyo Waawaynka, Qiimo sare oo u dhexeeya ilaa $50 Doolar ilaa $60 Doolar, kaas oo kaash lagu kala qaadanaayay.

Dhinaca kale, dawlada Hoose ee magaalada Burco ayaa iyana maalmahan saylada Xoolaha ka wada Ololayaal balaadhan oo isugu jira wacyigalino ay dadka Ganacsatada ah iyo kuwa kale ugu sheegayaan in ay Saylada ku soo dhaweeyaan dadka ganacsatada ah ee xoolaha ka keenaya Koonfurta Somaliya iyo kuwa Puntland, isla markaana ay dhawraan nadaafada iyo Cashuur ururinta.
Guddoomiye ku-xigeenka golaha deegaanka Burco Axmed Cabdi Falay oo hawlahan dawlada hoose ka wado Saylada Burco uga waramay Shabakadda Ramaasnews ayaa Ganacsatada Xoolaha iibsata ka codsaday Adhiga ay iibsanayaan in ay ugu horaysiiyaan kuwa ka yimi taraagyada dhaadheer, isla markaana waxa uu usoo jeediyay dadka kalena in ay soo dhaweeyaan dadka Xoolahooda usoo iibgeeyay magaalada Burco kuwaas oo uu sheegay in ay ku soo hirteen nabada ka jirta Somaliland.

Waxa kale oo uu Axmed Cabdi falay usoo jeediyay Ciidamada kaantaroolada laamaha dawlada ee ay qusaysoba in ay si deg-deg ah u siidaayaan xoolaha lagu soo cashuuray degmooyinka ka baxsan Degmada Burco si ay dhakhso ugu dhoofaan una tagaan magaalada Barbera.

Ugu dambayntii iibsigan xoolaha ku yimi mudadii ay xayiraada ka qaaday Dawalad sucuudigu iyo bishii Arafo Oo isgalay ayaa sare u qaaday dhaq-dhaqaaqa Ganacsiga suuqyada magaalada Burco ee Caasimada gobolka Togdheer kaas oo ay hore u saamaysay xayiraadii saarnayd xoolaha wakhti laga joogo 12 Sano.

Waxa sidoo kale isbadal wayn laga dareemay hoos u dhaca sarifka lacagaha qalaad ee suuqyadda Burco mudaddii adhigu furnaa isagoo markii horena hoos u dhaci ku yimi bilihii ina soo dhaafay.



Image




Image




Image



Image
User avatar
rich-boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1635
Joined: Wed Jan 30, 2008 6:26 am
Location: Paris Seine saint denis Banlieue Nord gros

Re: Saylada burco oo ay buux dhaafiyeen xoolaha ka imanaya 5ta s

Post by rich-boy »

where did all this came from thats a lot u know
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Saylada burco oo ay buux dhaafiyeen xoolaha ka imanaya 5ta s

Post by LiQaaye_TDH »

Burao Zeylad is the biggest in the Horn, back in the \Days when somalia had a proper goverment, there use to be 1million animals sold there per Day :up: it will never reach that stage until we have another proper somali goverment1
User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Re: Saylada burco oo ay buux dhaafiyeen xoolaha ka imanaya 5ta s

Post by Ducaysane_87 »

rich-boy wrote:where did all this came from thats a lot u know


all over somalia iyo somaliland sxb.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”