Caafimaadka - Maxaad ka taqaan cudurka kudka (Anthrax)
2002-02-01 21:39:42 -
Ilaaheenna weyn bay awoodi u sugnaatey oo og waxa inaka qarsoon. Marka laga hadlaayo waxyaabaha ku saabsan caafimaadka, gaar ahaan cudurrada, ayaa culimada aqoonta u lihi waxay dunida u bidhaamiyaan helitaanka iyo daah furka cudurro cusub oo aduunka ku soo siyaadey ama kuwo hore loo yaaqaney oo wejiyo iyo tabo cusub oo aan horey loo aqoon la soo baxay.
Taariikh - Dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ( 1977—1978)
2002-02-01 21:38:47 -
Afgembigii ka dhacay Soomaaliya Oktoober 1969-kii, waxaa taladii dalka kula wareegey koox saraakiil ah oo ka tirsanaa ciidammadii qalabka sidey ee dalka Soomaaliya. Waxaa saraakiishaas hor kacayey taliyihii milleteriga Soomaaliyeed Jeneraal Maxamad Siyaad Barre. Waxaa xusid mudan in Jeneraal Siyaad, xilligii uu ku xigeenka u ahaa jeneraal Daauud, bilowgii iyo bartamihii sanadihii 1960-aadkii, uu masuul ka ahaa xafiis laga maamulayey howl-gallada ciidameed oo ay jabhadihii soomaaliyeed ka wadeen dhulka Soomaalida laga heystay ee Ogaadeenya iyo N. F. D.
Fanka iyo Suugaanta - Taariikhda Abwaan Maxamud Cabdullahi Ciise (Sangub)
2002-02-01 17:32:03 -

Qaybta Koowaad: Somaali badan oo ku nool magaalooyinka Minneapolis iyo St. Paul ayaa nasiib u yeeshay inay la kulmaan Abwaanka caanka ah Maxamuud Cadullahi Ciise (Sangub) kulankaas waxaa soo qaban qaabiyay Eagal Media Production. Abwaan Sangub wuxuu dadkii meeesha isugu yimid u sheegay arrimo badan oo ku saabsan taariikhda fanka Soomaliyeed.
Cayaaraha - Barnaamijka Xidigaha
2002-02-01 15:39:12 -

Xubinteena joogtada ah ee barnaamijka xiddigaha waxaa aynu ku soo qaadanaynaa taariikhdii Ciyaaryahan Axmed Cismaan Geedi oo isagu caan ku ahaa kubbadda cagta Soomaaliyeed looguna naanayso
Cayaaraha - Todobaadka Soomaalida iyo Kooxda NBA-da Timberwolves
2002-02-01 15:37:48 -

Waxaa garoonka kubbadda koleyga ee Target Center ka dhici doona 31ka March 2002da barnaamij isboorti oo aad u xiiso badan. Barnaamijkaa isaga ah waxaa ka qayb-qaadanaya dhallinyarada Soomaaliyeed ee ciyaarta kubbadda koleyga iyaga oo halkaasi ku soo bandhigi doona aqoonta ay u leeyihiin kubbadda koleyga. Sidoo kalena waxaa halkaasi ka dhici doona tababar aqoon kororsi oo ay bixinayaan rag ka tirsan kooxda Timberwolves.
Siyaasada - Somalia iyo dagaalka lagu hayo “argagaxisida”
2002-02-01 15:34:36 -
Sanadkan cusub ayaa waxa uu la kowsaday hadal heyn la hadal hayo Somalia. Quwadaha reer Galbeedka oo uu hogaanka u hayo Mareykanka ayaa waxa ay cadeeyeen in dagaalka lagu hayo argagixisida in aanu ku ekeyn Afghanistan oo qudha ee uu saameyn doono dunida oo idil.
Siyaasada - Zimbabwe: Afrika iyo Dimuquraadiyadda yaa u garnaqi doona?
2002-02-01 02:59:56 -

Marar badan ayaa la is waydiiyaa in dimuquraadiyadu tahay habka ugu fiican oo biniaadamku isku maamulaan. Qaaradda Africa waxaa ka jira dulmi fara badan, mar kasta oo xukun is baddalo dad badan ayaa la wax yeelleeyaa. Marar badan waxaad arkaysaa waddamo badan oo ay dastuurkooda ku qoran tahay inay Dimuquraadiyadda isku dhaqaan isla markaasna markii doorashadu soo dhawaato qaylo ayaa bilaabata, markay dhamaatana waxaa ku xigta inaan doorashadii caddaalad u dhicin.
Ganacsi - Soomaalida Qurbaha
2002-02-01 02:54:36 -

SomaliNet Magazine waxaa u suurta gashay inay waraysi la yeelato Yasmiin Cali oo ah gabar Soomaaliyeed oo ganacsato ah, kana mid ah maamulka carwo ka mid ah carwooyinka ay Soomaalidu ku leedahay labada magaalo ee mataanaha ah isla markaasna iska leh meel tigidhada diyaaradaha lagu gado-Yasmiin Travel Agency
Siyaasada - Dood Furan: Xalka Puntland xaggee ku Jiraa?
2002-02-01 02:45:49 -
Bishii June ee sannadkii 2001, oo ku aaddanayd goortii loo qabtay in maamulkii ku-meel-gaarka ahaa ee Puntland ay muddadu ka dhammaato, dabadeedna doorashooyin lagu soo qaban qaabiyo, iyo wixii ka dambeeyeyba xaaladda Puntland waa ay ka sii daraysay.
Diinta - Xajka - Tobanka Maalmood ee ugu horreeya Bisha xajka
2002-02-01 02:40:52 -
Maalmahan waxaa ina soo food saarey cibaadadii xajka oo ah tiirka shanaad ee tiirarka islaamka iyada oo ay jiraan dad badan oo sannadkan magaalada Minneapolis ka dhoofaya iyo kuwo kale oo doonaya inay sannadaha dambe xajka gutaan. Waxaan jeclaystay inaan si kooban u caddeeyo shuruudaha iyo waajibaadka ugu waaweyn Xajka.